Tartan Cusub oo Loo Qaban Doono Hablaha Suxuyiinta Somaliland oo La Shaaciyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tartan Cusub oo Loo Qaban Doono Hablaha Suxuyiinta Somaliland oo La Shaaciyay
December 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Ururka Gabdhaha Saxafiyiinta Somaliland ee WIJA, ayaa shaaciyay Abaalmarinta Tartanka Gabdhaha Suxufiyiinta Somaliland.

Kulan lagu shaacinayay tartankaas oo lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ururka WIJA, masuuliyiin ka socda dawladda Ingiriiska, wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, saxafiyiin iyo shaqsiyaad kale.

Tartankan oo ah kii u horeeyay oo noociisa aan dalka loogu qaban, waxa fulinaya u ururka WIJA, waxaana maalgelisay Hay”adda UK Aid.

Dhinaca kale Tartanka oo sannadle noqon doona, waxa abaalmarino qaali ah lagu gudoonsiin doonaa saddexda qof ee kaalmaha ugu horeeya ku guulaysta, taasoo dhirigelin weyn u noqonaysa guud ahaan gabdhaha saxafiyiinta Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS