Kaalintii Suxufiga Xorta Ah Iyo Saxaafada Madaxa Banaan Oo Dalku Tabayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaalintii Suxufiga Xorta Ah Iyo Saxaafada Madaxa Banaan Oo Dalku Tabayo!
December 10, 2018 - Written by Editor:

Saxaafadu waxa ay ahayd tiir ka mid ah tiirarka qaranimada oo waxa ay kaalin mug weyn ugu jirtay ilaalinta dalka iyo dadka danyarta ah, waxaana ay caan ku ahayd ka badbaadinta danyarta duruufaha adag iyo fashilinta shirqoolada siyaasiyiinta iyo waliba ka danaysiga ganacsatadu dalka iyo dadkaba ku hayso.

bireeye

( Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e )

Tuduca gabaygaasi waxa uu inoo sheegayaa in suugaanta oo ah qayb ka mid ah saxaafada ama isgaadhsiintu ay ahayd hub wakhtigaana ay ku jirtay halka maanta saxaafadu inoogu jirto.

Saxaafadu waxa ay heli jirtay xogaha qarsoon iyo shirqoolada ay qaranka u dhigaan qawlaystayaasha siyaasiyiinta ah oo heshiisyo danaysi dawlado la gala si ay u iibsadaan khayraadka dalkooda.

Saxaafadu sidoo kale waxa ay baadhaa ama dabagal ku samaysaa lunsiyada hantida qaranka ee dalka laga dhacay ee dibadaha dalka iyo gudaha dalkaba la dhigtay, waxaanay ceebaysaa tuugta iyo dadka xun ee umadda u dhuuntay.

Saxaafadu waxa ay toosisaa meel kasta oo ay arkaan in qalooc qaranka kaga jiro waxaana ay hadh iyo habeen usoo jeedaan in ay qalinka ku saxaan ama ku tilmaamaan waxii qaran jab iyo qalooc ah qaranka lagu arko.

Saxaafadu waxa ay codkooda sidaa maatida iyo danyarta iyo dadka aanu dhawaaqoodu meesha dheer gaadhayn oo ay u hadlaan waxaana lagu tilmaami jirey in ay tahay carooga saboolka.

Halku dhigyada warbaahinta jaraaidada dusha kaga qornaan jirey waxa aan ka xasuustaa:

Wallee qalin daraalaha

Danbi qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada.

Waxa kale oo isna aan xasuustaa:

Cadli dooja mooyee

Wax kaloo rag deeqoo

Dadka lagaga eed baxo

Nin u dooney heli waa.

Waa tuducyo gabayadii gaariye ka mid ahaa oo tilmaamaya kaalinta abwaanka oo ay saxaafaduna usoo qaadatay kaalinta suxufiga, sababta oo ah labadooda dhawaqooda ayaa dheer waxaana ay u hadlaan ama ka hadlaan dareenka dadweynaha.

Suxufigu wuxuu ahaa shaqsi Magac raadis iyo ma hadho reeb ah oo ugu talogalay in uu kaalintiisa iyo dadkiisa u guto waajibaadka uu qaatey si daacadnimo ah isaga oo dadka ugu aduunyo yar hadana magaciisa iyo mihnadiisa aan malaayiin dollar siisanayn.

Saxaafada maanta iyo suxufiga jooga 99% waxa ay yihiin qaar quudka uun raadsada oo qiimahiisa iyo qiimaha mihnada u xambaarsan yahay dadka ugu jirto aan waxba ka aqoon.

Saxaafada maantu waxa ay noqotay qalab si qaldan quudka loogu raadsado( qabax) oo aan ka soo bixin kaalintii ay dadkeeda ugu jirtay.

Saxaafada maantu waxa ay noqotay caroog qabiil iyo qawlayste siyaasiya afkiisa ku hadasha oo waxa ay ka weecatay dariiqii wanaagsanaa ee saxaafadii hore iyo suxufiyiintii hore soo jeexeen.

Suxufigu waa ninka waxa uu umadda usoo bandhigayo uu tacab ka gallo ee raadiya xaqiiqda warkaa iyo cadaymihii waxkasta oo ay ku qaadanaysona wakhti iyo aduunba u hura, marka uu soo bandhigona umadu u kacdo oo aan xadhig cago juglayn iyo lacag midna aan waxba laga qaadi karin.

Saxaafada somaliland waa ta samayn jirtay raadraaca taariikhda sooyaalkii halgankii dalkan loo soo galay oo saxaafada lafteeda ayaa qayb muhiim ah ka ahayd halgankii dib u xoreynta dalka.

Saxaafadu waxa ay soo bandhigtaa aragtiyaha iyo afkaaraha iska wada hor imanaya ee siyaasiyiintu maalinba af gaara dadka kula hadlayaan, waxaana ay si tifaf tiran oo daacadnimo iyo xaglin ka dheer usoo bandhigtaa taariikhda qofka umaddu dooratay oo dhab ah.

Waxa ay raadisaa saxaafadu cida dadka masuuliyadaha loogu dhiibayaa ma yihiin dadkii ku haboonaa, hore maxay usoo ahaan jireen taariikhdooda maxaa lagu xasuustaa i.w.m.

Saxaafadu waxa la rabaa in ay u hadasho danyarta baaba’day ee dalka iyo nolosha dabaqadaha kala durugsan noqoneysa ee somaliland, sicir-bararka aafeeyey dalka iyo waxa sabab u ah.

Qofka suxufiga ah ee leh dhaqankii suxufiga dadkiisa u adeegaya ma baqo kamana jaxanjaxo dhibaatada dhiig miiratada ganacsatadu ku hayso saxaafada iyo bulshadaba.

Somaliland mushkiladaha haysta waxa ka mid ah ganacsato dantooda uun eeganaya oo aan dadkooda u tudhayn iyo dawlad daciif ah oo dilaaliin dhex yaacayso, doonayaa macaash oo dadkii dooratey aan ixtiraamin dalkiina dilaalay,

cidkasta oo hadashana waala muquuniyaa iyada oo looga faaiidaysto awood iyo lacag duruufaha dadka oo iska adag awgood.

Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkayga saxaafada madaxa banaani boodhka ha iska tunto oo kaalinteedii ha soo ceshato ay magac iyo milgoba ku lahayd haba iska gaajoodaane.

Qalinka ha loo qaato in wax lagu toosiyo risiqa ilaahaybaa qorey oo qadi mayside, laakiin qalinkaaga ha u qaloocin dan shaqsi iyo in lagu dilaalo oo waxa aad qortaa quud kuu noqdo.

Ilaahay baa mahadleh

Nebi Muhamed baa sharaf leh scw

Xaqa halagu adimo insha Allah

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS