Madaxweyne Farmaajo Wuxuu Dhex Dabbaalanaya Mushkilad Uu Wasiir Beyle Sameeyay!Faalo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Farmaajo Wuxuu Dhex Dabbaalanaya Mushkilad Uu Wasiir Beyle Sameeyay!Faalo.
December 10, 2018 - Written by Editor:

Dadka Muqdisho joogaa waxay baraarugeen markay maqleen waxa Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshin la doonayo in Xilka lagaga qaado Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), balse ismamay waydiin waxa sababta u ah in 90 Xildhibaan ku fekeraan inay Xilka ka qaadaan Mr. Farmaajo.

Sababtu waatan ee ila eeg:- Markii koowaad waxa Guddi hoosaadka Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo waday baadhitaan la xidhiidha sida Wasaaradda Maaliyaddu u maamusho Dakhliga gudaha iyo dibeddaba ka soo gala Dawladda Soomaaliya, ayaa waxay soo saareen War-bixin sheegaysa in Wasaaradda Maaliyaddu samaysay Musuq-maasuq isla-markaana Lacag Malaayiin doollar ahi martay jid aan ahayn kii saxda ahaa, waxayna war-bixintaa u gudbiyeen Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Maalintii War-bixinta la gudbiyey Maalintii ku xigtay waxa Xarunta Baarlamaanka tagay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle, waxaanu halkaa ka jeediyey hadal, isagoo beeniyey Musuqmaasuqa ay ku eedaysay War-bixinta Guddiga Maaliyaddu diyaariyeen, laakiin halkaa kuma joogsan Wasiirku ee wuxuu bilaabay dedaal uu ku doonayo in War-bixintaa aan loo qaybin Xubnaha Baarlamaanka oo la joojiyo, taana wuu ku guulaystay oo Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanku wuxuu ku dhawaaqay in War-bixintaasi aanay dhamaystirnayn, sidaasi darteedna la joojiyey.

Waxa xigay, in Wasiirka oo Qorshihii koowaad u hirgalay uu isku dayey inuu Guddoonka Baarlamaanka culays ku saaro in kala diro Guddigii Maaliyadda ee War-bixinta diyaariyey, taana wuu ku guulaystay, isagoo Gacan ka helaya Xubnaha kale ee fulinta, sida Raysal-wasaare Khayre.

Haddaad ila socotaan, Marka Wasiirka Maaliyaddu uu waxaa Baarlamaanka ka dhex samaynayo maxaa u bannaanaa Madaxweyne Farmaajo ? sow ma ahayn inuu Wasiirkiisa Maaliyadda ku amro inuu faro-gelinta ka daayo Baarlamaanka, eedda War-bixintu u jeedisayna uu si furan iskaga difaaco, isagoo adeegsanaya wax la taaban karo, halka isaga oo Wasiir ah uu Lacagtii uu masuulka ka ahaa u Adeegsanayo burburinta Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Nasiib-darro, Farmaajo dusha ayuu ka daawanayey waxa dhacayey oo dhan, taasina waxay awooddooda kor u qaadday Xildhibaannada Dawladda ka soo horjeeda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Muqdisho jooga.

Guddigii Maaliyadda ee la kala diray oo Tallaabada Xukuumadda ka fal-celinaya, ayaa iyagoo gudaha iyo dibeddaba Gacan ka helaya waxay diyaariyeen Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo ee loo gudbiyey Baarlamaanka.

Waxa Xusid mudan, In Guddoomiyaha Baarlamaanku uu Mooshinka ka guddoomay Xildhibaannada 90-ka ah ee saxeexay, sababta oo ah Guddoomiyaha laftiisu wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku qaniinay Faro-gelinta Dawladda dhexe ku hayso Doorashada Madaxweyne-nimo ee Maamul-gobolleedka Koofur-galbeed oo dabcan Guddoomiye Mursal ka soo jeedo.

Waxa intaa dheer, xurgufo kale oo ka dhexeeya Dawladda dhexe iyo Maamul-gobolleedyada Soomaaliya, kuwaasi oo dabcan Xildhibaanno ku leh Baarlamaanka Dawladda federaalka ah.

Si kastaba, Farmaajo waxa Mushkiladdan ku furay Wasiirka Maaliyadda, Dr. Beylle oo haddii Raysal-wasaare Khayre uu xilka ka qaado, sabab u noqon karta in Xildhibaannadu ka noqdaan Mooshinka ay gudbiyeen.

Maxaa intaa dheer, haddaad la socotay ku dar.

Saxafi Madax Banaan; Cabdiqaadir Aadan Carab

Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
LINKS