Mooshinka Xil Ka Qaadista Madaxweyne Farmaajo oo Buray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mooshinka Xil Ka Qaadista Madaxweyne Farmaajo oo Buray
December 11, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Qoraal kasoo baxay xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux sidoo kale-na loo diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in uu buray sharciyan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajib kayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxeexyada, soo jeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo hadhaya Hindisaha78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo hadhaya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aadee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Xoghayaha  Golaha Shacabka ayaa sidoo kale warqaddan uu u qoray Guddoonka Golaha  Shacabka waxa uu kula socod-siiyay in Hindisaha Xil kaqaadista  Madaxweynaha JFS (09/12/2018) uusan soo buuxin shuruudihii dastuuriga ah  ee u xusan warqadda.

Shalay ayay ahayd markii labada Guddoomiye Ku Xigeen ay soo saareen warqad ay ku hakinayaan hawlaha Golaha Shacabka iyaga oo tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka uu ka dhex jiro khilaaf dastuuri ah oo u baahan in xal degdeg ah laga gaadho.

Akhriso Qoraallka:

COMMENTS
LINKS