Tacadiyada Isbarkan Ee Shacabka Ka Haysta Wasaaradda Gaadiidka Jsl Iyo Tirada Adeegyada Ay Bixiso Ee Kootada Ugu Xidhan Cid Gaara, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tacadiyada Isbarkan Ee Shacabka Ka Haysta Wasaaradda Gaadiidka Jsl Iyo Tirada Adeegyada Ay Bixiso Ee Kootada Ugu Xidhan Cid Gaara,
December 11, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)WasaaraddaGaadiidku waxay doonaysa inay wasaaradeeda ka dhigtay meel dakhli soo saarta,balse ma fahansana nidaamkii macmiisheedda u ilaalin lahayd ee iyaduna ufaa’iidi lahayd, marka doonayso inaad dadka cashuur ku soo rogto waxa la Qiimeeyawaxay awoodi Karin balse hadii aad u fikirto nolosha aad ku nooshahay inaydadkoo dhami ku nool yihiin oo waxa aad bixin karto dadkoo dhami bixin karaan,waxa kala waaqic noqonaya adiga iyo dadkii aad maamulaysay, taasina waxayabuuraysa in dawladnimadaba cuqdad laga qaado.

Wasaaraddu inta shay ee ay lacag ku soo rogtay ila eeg oo waliba cid gaar ah kooto loogu xidhay, liisankii madbacad qaranku ma daabacayso oo shirkadii hore uu baa wasaaraddu ka dhigtay waax ka mid ah, waraaqdii caafimaad dhakhtar laga dhex samaystay wasaaradda oo ka qaalisan cisbitaaladii kale, waxa la sameeyey buug wasaaradu leedahay oo imtixaan dadka laga qaadayo oo iyaduna lacag ah.

Buuga imtixaanka lagaga qaadayo waxa laga siinaya shan dollar, dhiiga iyo indhaha dhakhtar baa wasaarada lagu dhex samaystay oo toban dollar laga qaadayo oo hadii cisbitaalka weyn waraaq ka soo qaadato lagama yeelayo waa qasab in waraaqda cisbitaalka laga dhex furtay wasaaradda ka goosataa, taarikaddii cusub marka lagu siinayo 115 dollar baa laga qaadaya, taarikadaadiina aad hore u iibsatayna waa laga qaadaya, arrimahaasi oo dhan waxay cadibaad ku tahay shacabka danyarta ah ee intaas oo kooto ee lacag ku bixinayso aan awoodi Karin.

Buugan shanta dollar waxa ku qoran ee calaamadaha ah meel walba waa laga helaa waxay ahayd uun inaad imtixaanka gasho uun, waraaqda dhakhtarka cisbitaalka guud ee Hargeysi shan dollar buu ka qaadaya, wasaaraduna Toban dollar, taasina waa khalad .

Talabaad wasiirku maalintii uu daahfureyey taarikada cusub waxa uu xaflada ka sheegay lix boqol oo kun oo shSL lagu bedelayo , haseyeeshee dadkii taarikada cusub doontay markii lixdii boqol dooneen inay bixiyaan waa laga diiday waxaana lagu yidhi waa milyan iyo boqol iyo konton SHSL, markii aanu xafiiska waydiinaynay sababta intii wasiirku xaflada la sheegay looga badiyey, waxay ku doodeen in la diidana in dadku ku kacaan oo laga soo horjeesto ayaa lacagta loo yareeyey balse lacagta rasmigii waa 115 dollar, maalintii kale ee liisamada waxa uu sheegay in buuga imtixaanku bilaash yahay, hadana imika waa shan dollar, waxa kale oo uu wasiirku sheegay in baabuurta Vitz ka aanay gobolada u kala bixi Karin oo dadkii xaafadahoogu arabsiyo ama abaarso yaallay waa la diiday inay kaantaroolka dhaafaan, maanta waaxa uu sheegay in gaadiidkaasi hore looga joojiyey inay gobolada u kala safraan la diiday uun inay rakaab u qaadaan gobolada balse qofkii kaligii u baxaya gobolada la ogol yahay, iyadoo aynu ogayn in kaantaroolka dadka laga joojinayey wixii wata VITZ oo xiitaa dad duleedka Hargeysa ku umalayey oo soo qaadayey loo diiday qasabna ku noqotay inay gaadhi kale qofkii kireysto.arrimahaasi oo dhan waa jahawareer uu wasiirku isagoo ka fiirsan ku kacay dadkan cadibaad ku ah.

Qalinkii Saxafi Barkhad ladiif.

COMMENTS
LINKS