Xiddig Caan Ka ah Premier League Oo 2bilood Wax Ka Yar Loogu Dhalay 3-Curuur ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiddig Caan Ka ah Premier League Oo 2bilood Wax Ka Yar Loogu Dhalay 3-Curuur ah.
December 11, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Laacibka  naadiga Stoke City eedalka ingiriiska Saido Berahino ayaa wajahaya Dagaal dhanka sharciga ah kaddibmarkii wax ka yar labo bilood loogu dhalay rubuc darsin Caruura.

Goolalkasiisa iyo caruurtiisa waxaaba iminka badan caruurta loo dhalay oo Berahino ayaa goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay Stoke City 913-maalmood kaddib.

HOOYADA 1-aad: Waxaa lagu Magacaabaa Stephania Christoforou waana 27jir, waxa ayna ahayd gacalisadiisii hore waxayna dhashay wiil lagu magacaabo Costa waxayna ahayd  30-ka bishii May, waxayna ku dhashay dhakhtarka haweenka ee magalaada Birmingham, culeyska ilmaha yar ayaa ah 3.2kg warqada dhalashada ayaan lagu qorin in aabihii yahay Berahino.

Gabadhan Stephania ayaa Kansashay aqal galkeeda laacibka reer Burundi ka dib markii ay isku dhaceen maalintii Jaceylka adduunka ee Valentine’s Day  ka dib markii ay ogaatay in  Berahino uu si qarsoodi ah ula boxo gabadha sameysa xayaysiinta dharka ee u dhalatay Mareykanka Chelsea Lovelace.

HOOYADA 2-aad: Waa Kal-kaaliso 28-jir ah oo ka soo jeeda Afrika. Berahino ayayna saaxiibo ahaayeen yaraantooda magaceeda waa la qariyay sababo la xidhiidha dhanka sharciga awgeed.

Hooyadan africanka ah ayaa ku dhashay dhakhtar  ku yaala Walsall waxayna ahayd 15-kii  bishii Julay, waxaa la aaminsan yahay in warqada dhalashada gabadha aan lagu qorin magacaba Berahino oo hooyada dhashay waxa ay wada hadalo kula jirtaa laacibka iyo Qareenkiisa.

HOOYADA 3-aad: oo lagu magacaabo Chelsea, 17-kii July ayay iyana gabar loo bixiyay  Aniya Marie ku dhashay cisbitaalka Walsall. Culeyska dhallaanka ayaa lagu sheegay 2.8kg Warqada dhalashada ayaana lagu qorin in Berahino uu yahay Aabaha dhalay ilmaha.

Sheekadan ayaa noqotay mid ka wareerisay aduunka iyadoo noqotay wax ku cusub yurub oo ay yar tahay dhacdo tan oo kale ah.

Wajaalenews Desk.

Diyaariye shiine mataan.

COMMENTS
LINKS