Ousmane Dembele Oo Xalay Baarcelona Badbaadiyey Iyo Ganaax Lacageed Oo Ay Ku Soo Rogtay Kooxdiisu. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ousmane Dembele Oo Xalay Baarcelona Badbaadiyey Iyo Ganaax Lacageed Oo Ay Ku Soo Rogtay Kooxdiisu.
December 12, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N) Barcelona Ayaa Ciqaab Adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii xalay kala baxsaday guul-darro markii uu Tottenham ka dhaliyey gool cajiib ah oo uu xarfad iyo orod ku dhaafay difaaca Spurs.

Tababarkiikooxdiisa ee Isniintii ayaa uu Dembele noqday mid ay ka maadsadaanciyaaryahannada Barcelona markaas oo uu laba saacadood kasoo daahay xilligii ayahayd inuu yimaaddo xarunta tababarka.

OusmaneDembele oo tan iyo markii uu yimid garoonka Camp Nou ay kooxdiisu khaati kataagnayd hab-dhaqankiisa ayaa waxa lagu war geliyey in habsankiisii Axaddii eelabada saacadood ahaa darteed lagu ganaaxay ciqaab lacageed oo dhan 100,000Euro.

Wargeyska Diagio AS ee kasoo baxa dalka Spain oo warkan qoray ayaa waxa uu sheegay in Barcelona ay ganaaxan laban laabi doonto haddii uu mar kale sameeyo arrintan oo kale, balse uu mutaysan doono ganaax kasii adag oo lacag badan uu ku waayi doono haddii uu sii wado habsankiisa iyo dhaqamada aanay ciyaartoyga iyo tababaruhuba jeclayn ee laacibkan reer France la yimid Camp Nou.

Inkasta oo ciqaabtan lagu riday, haddana halyeygii reer Brazil ee Rivaldo ayaa kula taliyey kooxda in aanay ka ficil qaadanin oo ay u muujiyaan dulqaad, waxaana fikirkaas ku raacay Andres Iniesta oo waqtigan ka ciyaara dalka Japan laakiin usbuucan iska soo xaadiriyey garoonka tababarka ee Barcelona oo uu soo booqday.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS