Dybala Oo Fariin u Diray Kooxaha La Filayo Inay Isku Wajihi Doonaan Wareega 16-ka Ee Champions League. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dybala Oo Fariin u Diray Kooxaha La Filayo Inay Isku Wajihi Doonaan Wareega 16-ka Ee Champions League.
December 13, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Ciyaaryahanka PauloDybala ayaa fariin u diray kooxaha la filayo in Juventus ay kaga begantowareega xiga ee 16-ka kooxood ee tartanka Champions League, inkastoo ay xalayguuldaro 2-1 ah kala kulmeen kooxda yar ee Young Boys.

Dybala oo xalay dhaliyay goolka kaliya ee kooxda Juventus kadib markii uu ciyaarta badal ku soo galay ayaa fariin u mariyay saxaafada kooxaha wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan ku guuleysanay hogaanka Group-ka H, maadaama Valencia ay ay dhankeeda guul ka gaartay Manchester United”.

“Waxaan iska luminay fursado badan aan hogaanka ugu qaban karnay qeynta hore ee ciyaarta, taasoo iyaga siisay kalsooni weyn”.

“Guuldarada wey ina dhibeysaa, sababtoo ah waxaan halkan u nimid inaan guuleysano, laakiin tani waa inay cashir inoogu noqotaa mustaqbalka”.

Si kastaba Juventus ayaa ku wajihi karta wareega 16-ka tartanka Champions League midkood kooxaha Atletico Madrid, Tottenham, Liverpool, Schalke 04, Ajax, ama Lyon.

Hadaba Dybala oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Si aad ugu guuleysato tartanka Champions League, waa inaad ka adkaataa kooxaha ugu fiican, sidaasi darteed waxba igama galin kooxda aanu isku wajaheyno wareega 16ka”.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS