Shirkada Telesom Oo Siwayn Uga Dhex Muuqata Carwada Ganacsiga Somaliland Iyo Dadwaynaha Oo Safaf Ugu Jira Adeegyada Ay Soo Bandhigtay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Telesom Oo Siwayn Uga Dhex Muuqata Carwada Ganacsiga Somaliland Iyo Dadwaynaha Oo Safaf Ugu Jira Adeegyada Ay Soo Bandhigtay!
December 13, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W.N); -Bandhiga Carwada Ganacsiga Somaliland ayaa Maalintii Lixaad Si habsamiah uga socota magaalada Hargaysa gaar ahaan Huteelka Guuleed ee magaaladaHargaysa, halkaasi oo ganacsatada kala duwan ee dalku kusoo bandhigeen Midwalbaadeegyada ay bulshada u hayso.

ShirkadaIsgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa ka mid ah shirkadaha  sida wayn  uga dhex muuqda carwada ganacsigaSomaliland, taasi oo ay kusoo bandhigeen adeegyo cusub oo shirkadu u soo kordhisaymacaamiisheeda kala duwan, Waxaana Gudaha Carwada oo aad u mashquula siwayn ugadhex Muuqatay shirkada telesom oo bulshada ku dhaqan caasimada Hargaysa aysafaf ugu jireen qaadashada sim kaadhka shirkada iyo sidoo kaleisdiiwaangalinta adeegyo lacag la,aan ah oo shirkada telesom soo bandhigtay.

Goobtaay ka degan tahay carwada shirkada Telesom ayaa iyadu ka mashquul badan goobahakale ee ganacsatada reer Somaliland kusoo bandhigayaan waxyaabaha cusub ee aybulshada u soo kordhiyeen.

Waxaana Adeegyada kamid ah.

 Adeegga #TelesomAmbassador

Adeegga #Dhambaal

Adeegga #Ila_Soco

IyoSidoo kale Lambarkii ka bilaabmayay 063 4xxxxxx,

Adeegyadaay shirkada Telesom ku soo badhigtay carwada 8aad ee Somaliland kuma koobnaqaybta shirkada oo kaliya ee waxaa iyana dhinacooda  adeegyo muhiim ah oo lacag la,aan ah kusoobandhigay carwada baanka Darasalaam oo bulshada siinaya is diwaangalinta Akawnobilaasha kuwaasi oo iyana ay shacabka Ku dhaqan caasimada Somaliland si xawliah iskaga diwaan Galinayaan.

Telesomayaa ah hormoodka shirkadaha Isgaadhsiinta Jamhuuriyada Somaliland taasi oomudadii somaliland jirtay ku talaabsatay horumar balaadhan iyo in ay bulshadareer Somaliland  u keento adeegyo ay kulajaan qaadi karaan Technolajiyada casriga ah ee dunida.

Dhawaanayay ahayd markii Gudoomiyaha Shirkada Telesom la Gudoonsiiyay bilada hormuudkashirkadaha isgaadhsiinta Africa taasi oo samcada jamhuuriyada Somalilandgaadhsiisay heer ay la tartanto qaarada Africa.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE HABANE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS