Premier League Oo Ku Dhawaaqay Tababarihii Ugu Fiicnaa Bishii November! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Premier League Oo Ku Dhawaaqay Tababarihii Ugu Fiicnaa Bishii November!
December 14, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Premier league ayaa ku dhawaaqay macalinkii ugu fiicnaa bishii hore ee Novemberiyadoo bil kasta la siiyo abaal marin macalinka ugu fiicnaada bishaa.

Tababarahakooxda kubadda cagta Newcastle ee Rafael Benitez ayaa loo magacaabaymacallinkii ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League bishii November ee tagtay,kaddib markii uu kooxdiisa kasoo saaray khadka cas ee kooxaha dib ugu laabanayaheerka labaad.

Newcastle ayaa bilowgii November waxay ku jirtay kaalinta 19aad iyadoon wax guul ah arag 10 ciyaarood oo xidhiidh ah, ka hor intii aanay saddex guulood oo xidhiidh ah kor ugu soo ruqaansan.

Naadigan lagu naanayso Magpies ayaa waxa uu garoonka St James’ Park ku garaacay Watford iyo Bournemouth, waxaanu ku xigsiiyey Burnley oo ay dhibcaha kasoo qaateen iyaga oo marti ah.

Tababare Rafael Benitez ayey u tahay markii shanaad ee uu ku guuleysto abaal-marintan bilaha ah, waxaana hadal kooban oo uu bixiyey uu ku sheegay in mar walba ay wanaagsan tahay in lagu guuleysto abaal-marino.

“Way fiican tahay in mar kasta abaalmarin lagu guuleysto. Dabcan waxa aan jeclaan lahaa inaan marar badan ku guuleysto tababaraha bisha sababtoo ah waxa aanu tegi lahayn meel wanaagsan shaxda kala sarraynta kooxaha.” Ayuu yidhi Benitez oo kooxdiisu ay waqtigan fadhido kaalinta 15aad.

Diyaariye;- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS