Cristiano Ronaldo Oo Maxkamad Ku Taalla Spain Looga Yeedhay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cristiano Ronaldo Oo Maxkamad Ku Taalla Spain Looga Yeedhay!
December 14, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Cristiano Ronaldo ayaa Maxkamad ku taalla dalka Spain ay go’aamisay xilliga In ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ka dhan ah laacibka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo  ayaa dhawaan heshiis la gaadhay waaxdamaaliyadda dalka Spain kaddib markii uu ogolaaday inuu bixiyo  14.7 milyan oo Euro, taas oo fududaynaysainuu ka badbaado in xukun ciqaabeed sababa xadhig uu ku dhaco.

Maxkamadda magaalada Madrid ayaa loo gudbiyey heshiiska Waaxda maaliyaddu la gaadhay Ronaldo, waxaana ay bilaabi doontaa dhegaysiga kiiska oo loo cayimay in uu maxkamadda horteeda yimaado 14 January ee sannadka dambe, halkaas la sheegay inuu maxkamadda horteeda ka ogolaan doono laba sannadood oo xadhig ah iyo ganaax dhan  14.7 million.

Sida la sheegay Ronaldo ayaa 13.4 milyan ka mid ah lacagtan bixiyey horraanta bishii October ee sannadkan, laakiin waxa aan qabsoomin kulankii maxkamadda horteeda ee uu ku qiran lahaa dembiyada loo haysto, hase yeeshee lama filayo in labada sannadood ee xadhiga ah ay noqdaan kuwa la hirgeliyo maadaama sharcigu sheegayo in wixii laba sannadood ka badan oo kaliya xabsiga loo taxaabayo.

Toddobaadkii hore, waxa sidan oo kale maxkamad ku taalla Spain u waajahay laacibka ay isku waddanka yihiin Ronaldo ee Fabio Coentrao oo qirtay inuu la baxsaday lacago, hase yeeshee waxa fadhigii maskamxadda uga qayb-galay qareenkiisa.

Ronaldo ayaa la sheegay in fadhiga maskamadda uu kaga qayb-geli doono khadka isgaadhsiinta oo muuqaal ah, halkaas oo uu kaga jawaabi doono su’aalaha la weydiiyo, isla markaana uu xukunkiisa ka dhegaysan doono.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS