Abaal Marinta Xiddiga Sanadka Ee Qaarada Afrika Oo Lagu Dhawaaqay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abaal Marinta Xiddiga Sanadka Ee Qaarada Afrika Oo Lagu Dhawaaqay.
December 15, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Abaal marinta xiddiga sanadka ee qaarada afrika oo ay ku dhawaaqadaywarbaahinta caalmiga ah ee BBC ayaa abaal marinta xiisaha badan ee xidiga sanadka qaarada afrika oo sanad walba la bixiyo.

Abaal marinta Ayaa waxaa ku guulaystay Laacibka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah  loo caleemo saaray ciyaaryahankii ugu fiicnaa qaaradeena Afrika sanada 2018, taasoo ay gudoonsiisay idaacada BBC.

Mohamed salah ayaa markii labaad oo xidhiidh ah ku guuleystay abaal marintan isagoo sanadkii hore ku guulaystay xidiga ugu fiican qaarada afrika.

Mohamed Salah ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee tan iyo markii la bilabay bixinta abaal marintan ee sanadkii 1992 ku guuleystay 2 jeer ee xiriir ah, kadib xidigaree Nigeria ee Jay-Jay Okocha.

MohamedSalah ayaa haatan sidoo kale noqday ciyaaryahankii saddexaad ee reer Masar ahee loo caleemo saaray abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican afrika, kadib Mohamed Barakat iyo Mohamed Aboutrika oo kusoo kala guuleystay 2005 iyo 2008 sida ay u kala horeeyaan.

MohamedSalah ayaa wuxuu abaal marintan kaga guuleystay xidigo ay ka mid yihiin SadioMane, Kalidou Kolibaly iyo Mehdi Benatia, dhinaca kale salah ayaa ka mid ahciyaaryahanada hogaaminaya gool dhilinta premier league iyadoo sidoo kale uukooxdiisa Liverpool uu sanadkii hore keenay finalka champions league iyadoo horyaalkana ay hogaanka u hayaan waana kooxda kaliya ee aan ilaa hada aan marnalaga badin 16 ciyaarood oo prermier league ah.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS