Mesut Ozil Oo Ku Soo Laabtay Arsenal Iyo Fariinta Uu u Diray Taageerayaasha kooxda Ganerska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mesut Ozil Oo Ku Soo Laabtay Arsenal Iyo Fariinta Uu u Diray Taageerayaasha kooxda Ganerska.
December 15, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Mesut Ozil  laacibka u dhexda uga ciyaaraxulka qaranka jarmalka iyo kooxda arsenal ee kubada xarago ciyaara ahnaqaabeeyaha ay kooxdu ku dhaadato ayaa mar labaad ku soo noqday garoonada isagoomaalmihii ugu danbeyey ka maqnaa.

Ozilayaa farriin u diray taageereyaasha kooxdiisa Arsenal kaddib markii uu kusoolaabtay safka koowaad kulankii ay xalay guusha kusoo xidheen marxaladdahormooyinka ee Europa League.

Xidigan  Koobka Adduunka kula guuleystay Germany ayaa seegay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana uga sii horreeyey in kaydka la dhigay ciyaartii Bournemouth halka uu beddel kusoo galay ciyaarihii naadigiisu kala hor tegay Tottenham, Manchester United iyo Huddersfield Town kahor intii aanu dhaawac ka gaadhin dhabarka.

Ozil ayaa xalay helay fursad uu kaga soo laabtay dhaawaca isla markaana kulankan aan muhiimadda weyn lahayn isku tijaabiyo, balse waxa beddel lagu saaray daqiiqaddii 83aad oo uu booskiisa soo galay Charlie Gilmour.

Markiiay ciyaartu dhamaatay ayaa uu farriin u diray jamaahiirta Arsenal isaga ooadeegsanaya bartiisa Twitterka, waxaanu yidhi: “Way fududahay, waana dareen wanaagsan. Waxa aan kusoo laabtay garoonka, waxa aan kusoo laabtay guul.”

Qaarka mid ah jamaahiirta Arsenal ayaa ka falceliyey farriintan, waxaana ay qaarkood soo qoreen jawaabo qalbiga u dejiyey Ozil.

“Wanaagsanaainaanu mar kale ku aragno Ozil” Sidaas waxa soo qoray mid ka mid ah jamaahiirta, laakiin mid kale ayaa isaguna yidhi: “Waxa aad lasoo laabatay caawin, maalintana waad ii wanaajisay”

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS