Isku Aadka Wareega 16ka Champions League oo La Soo Saaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Wareega 16ka Champions League oo La Soo Saaray
December 17, 2018 - Written by Reporter:

Isku aadka wareega16ka kooxood ee UEFA Champions league ayaa la soo saaray, waxaana ka soo baxay kulamo aad u xiiso badan. UEFA ayaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland ku qabatay xaflada isku aadka iyada oo hadda la ogyahay qaabka kooxaha lays kugu beegay.

Manchester United ayaa afka ka gashay kooxda PSG laakiin Liverpool ayaa sidoo kale lagu beegay kooxda Bayern Munich waxayna kulamadani ka mid yihiin kulamada ugu xiisaha badan wareega 16ka kooxood ee UCL.

Manchester City ayaa fursad dahabi ah ka heshay isku aadkii Champions league waxayna kooxda Guardiola la tartami doontaa kooxda Schalke 04 laakiin kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid ayaa iskaga hor iman doona kulan aan waxba layskula hadhidoonin.

Borussia Dortmund ayaa ka horiman doonta Tottenham taas oo la micno ah in saddexdii kooxood ee Germany ay ku beegmeen saddex kooxood oo ka mid ah afartii kooxood ee Premier league tartankan ugu jiray.

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku aadkii wareega 16ka kooxood ee Champions League ka helay wixii ay ka doonayeen iyada oo Real Madrid kulanka lugta hore booqan doonta Ajax halka ay Bernabeu ku soo dhawayn doonta Ajax kulanka lugta labaad.

Si la mid ah Barcelona ayaa kulanka lugta kowaad booqan doonta kooxda Lyon halka ay Camp Nou ku marti galin doonto Lyon kulanka lugta labaad waxayna Madrid iyo Barca heleen fursad wayn oo ayna kooxaha Premier league haysan.

HALKAN HOOSE KAGA BOGO ISKU AADKA WAREEGA 16KA UCL:

Schalke vs Manchester City

Atletico Madrid vs Juventus

Manchester United vs Paris Saint-Germain

Tottenham vs Borussia Dortmund

Lyon vs Barcelona

Roma vs Porto

Ajax vs Real Madrid

Liverpool vs Bayern Munich

COMMENTS
LINKS