Isku Aadka Wareega 32-ka Kooxood ee Europa League oo La Sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Wareega 32-ka Kooxood ee Europa League oo La Sameeyay
December 17, 2018 - Written by Reporter:

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeyay isku aadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Europa League wareegiisa 32ka kooxood. Tartanka labaad ee kooxaha Yurub ee Europa League waxaa ku dagaalami doona kooxihii kaalinta saddexaad kaga soo baxay guruubyadii Champions league iyo kooxihii ka soo gudbay heerkii groupyada ee Europa League.

Kooxda Inter Milan ee sida qalbi jabka lahayd uga soo hadhay tartanka Champions League ayaa wareega 32ka kooxood ee Europa League lagu beegay kooxda Rapid Vienna oo ka mid ahayd kooxihii ka soo gudbay heerkii groupuyada iyo dagaalkii waynaa ee Europa League.

Napoli oo iyaduna si xun uga soo hadhay Champions league ayaa Europa League lagu beegay kooxda FCZurich, laakiin kooxda Chelsea ayaa u safri doonta dalka Sweden kadib markii lagu beegay kooxda Malmo iyada oo kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono Stamford Bridge.

Kooxda Unai Emery ee Arsenal ayaa lagu beegay kooxda BATE Borisov halka kooxda Celtic ee uu Branden Rodgers hogaaminayaa ah la ciyaari doonto kooxda Valencia oo heerkii groupyada Champions league ku soo hadhay.

Halkan hoose kaga bogo Isku aadka Wareega 32ka Kooxood Ee Europa League:

Viktoria Plzen vs Dinamo Zagreb

Club Brugge vs FC Salzburg

Rapid Vienna vs Inter Milan

Slavia Prague vs Genk

FC Krasnodar vs Bayer Leverkusen

FC Zurich vs Napoli

Malmo Vs Chelsea

Shakhtar Donetsk vs Eintracht Frankfurt

Celtic Vs Valencia

Rennes vs Real Betis

Olympiacos vs Dynamo Kiev

Lazio vs Sevilla

Fenerbahce vs Zenit St Petersburg

Sporting Lisbon vs Villarreal

BATE Borisov vs Arsenal

Galatasaray vs Benfica

COMMENTS
LINKS