Lionel Messi Oo Rikoodh Cusub Dhigay Oo Lagu Qoray Buugga Kaydka Taariikhda Yurub! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lionel Messi Oo Rikoodh Cusub Dhigay Oo Lagu Qoray Buugga Kaydka Taariikhda Yurub!
December 17, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Laacibka reer Argentina ee Lionel Messi ayaa xalay dhigay rikoodh cusub oo kale kaddib markii uu saddexley ka dhaliyey naadiga Levante ciyaar ay guushunaadigiisa ku raacday 5-0.

Barcelona oo ka cadhaysnay rikoodh ay xili ciyaareedkii hore ka jabisay Levante xilli ay kooxda Valverde doonaysay in iyadoon hal kulan laga adkaanin ay horyaalka qaaddo, laakiin ay Levante 5-4 ku muquunisay ciyaar musalsal ahayd, ayaa waxaay xalayna marti ugu noqotay garoonka Ciutat de Valencia si ay uga soo aar-goosato, waxaana taas u suurtogeliyey Lionel Messi oo saddexley dhaliyey,isla markaana caawiyey laba gool oo ay kala dhaliyeen Luis Suarez iyo GerardPique.

Goolasha uu dhaliyey xalay ayaa waxa uu Lionel Messi ku gaadhay tirada 50 gool oo sannadkan 2018 uu dhaliyey, waana ciyaartoyga kaliya ee dhamaan qaaradda Yurub halkaas gaadhay, waxaanu boodhka ku qasay Cristiano Ronaldo oo Juventus ah iyoRobert Lewandowski oo Bayern Munich afka hore uga ciyaara, kuwaas oo dhaliyeymin 46 gool.

Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaawaxa uu siddeed ka mid ah sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey uu dhaliyey 50gool iyo ka badan, waxaana kaliya uu ka gaabiyey inuu tiradaas gaadho sannadkii2013.

Saddexleyda uu dhaliyey ayaa waxay iyaguna u ahaayeen rikoodh, sababtoo ah, waxay ahayd markiisii 31aad ee uu saddexley ka dhaliyo horyaalka dalka Spain ee LaLiga.

Tababaraha  Barcelona, Ernesto Valverde ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu layaab kutilmaamay waxqabadka Messi, waxaana uu tilmaamay in aanu garanayn cid lalabarbar-dhigo oo dunida joogto, isaga oo yaab ku tilmaamay goolasha aanay dhibaatada badan kasoo gaadhaynin ee uu sida sahlan u dhalinayo.

Barcelona oo hoggaanka ku haysa saddex dhibcood oo ay ka sarreyso Atletico Madrid oo kusoo xigta ayaa waxay Sabtida la ballansan tahay Celta Vigo, guul ay ka keentaana waxay ka caawin doontaa inay kusii raaxaysato hoggaaminta LaLiga iyosidoo kale Messi oo haddii uu goolal dhaliyo sii dheeraysan kara tirada goolasha uu ka sarreeyo Ronaldo iyo Lewandowski.

Diyaariye:- shiine mataan.

COMMENTS
LINKS