Kumuu Ahaa Ciyaartoygii Ka Danbeeyey In Mourinho Shaqada Laga Eryo? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumuu Ahaa Ciyaartoygii Ka Danbeeyey In Mourinho Shaqada Laga Eryo?
December 20, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Jose mourinho ayaa laga qaaday shaqadii Manchester united uu ka hayey ka dib markii uu ku fashilmay inuu kooxda guulo waaweyn u gaadhsiiyo ka dib markii mourinho arintaa keeni kari waayey iyadoo kooxdu ay ku jirto kaalinta lixaad iyadoo 19 dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa.

Heerkan ay maanta taagan tahay kooxdu ayaa waxaa loo aanaynayaa khilaafka hadheeyey kooxda khilaafkaa oo ka dhexeeya tababaraha iyo ciyaartoydada qaarkood kaasoo banaanka u soo baxay noqotayna in kooxdu ay socon waydo oo ay guul gaadhi waydo, waana ta keentay in shaqada lagaga eryo mourinho iyadoo ay ciyaartoyda qaarkood ay ka qayb qaateen in shaqada laga eryo macalinka jose mourinho.

Saddex ciyaartoy ayaa lagu soo koobay dhibaatada Mourinho ku qabsatay Old Trafford inkastoo la aaminsan yahay iney ka badan yahiin, Paul Pogba ayaa ah qofka ugu sarreeya ee liiskaan kusoo baxay maadaama ay dhawr jeer isku dhaceen, sidoo kalana ay isku fahmi waayeen habka ciyaarta iyo xeeladda, taasna waxey dhalisay in xiddiga uu la shaqeyn waayo macalinkiisa.

Alexis Sanchez ayaa ah qof kale oo ku jira liiskaan in ka yar 12-bilood ka hor ayey kasoo iibsadeen kooxda Arsenal, isagana wuxuu u muuqdaa mid aan wada shaqeyn la laheyn Jose Mourinho, mana qarsoona dhibaatada uu tirsanaayo maadaama uu Chile caafimaad u aaday.

Juan Mata oo si lama filaan ah liiskaan usoo galay, xiddigaan reer Spain tan iyo markii uu Chelsea kaga soo tagay Jose dartiis xiriir fiican kama dhaxeeyo, waxaa lasoo wariyay in kooxda ay usoo bandhigtay dalab heshiis cusub oo saddex sano ah, balse uu sugayay sida ay kooxda dhanka maamulka hormar uga sameeyso, taasna hadda ayey is badashay.

Isku soo wada duuboo iyadoo ay faro badan yihiin ciyaartoyda ay isku dhaceen mourinho ayaa hadana waxaa isku dhacoodu aad u weynaa saddexdan ciyaar yahayn oo ah kuwo qiimo badan ku jooga kooxda isla markaan laf dhabar u ah kooxda.

Diyaariye shiine mataan.

COMMENTS
LINKS