Sergio Ramos Oo Lagu Dhex Arkay Masaajid Isagoo Xidhan Khamiis Iyo Qoraal Ixtiraam Leh Oo Uu Baahiyey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sergio Ramos Oo Lagu Dhex Arkay Masaajid Isagoo Xidhan Khamiis Iyo Qoraal Ixtiraam Leh Oo Uu Baahiyey!
December 20, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Sergio Ramos oo u labbisan sida culimada Islaamka ayaa iska xaadiriyey masaajid ku yaalla magaalada Abu Dhabi oo lagu magacaabo Sheikh Zayed Mosque subaxnimadii saaka kaddib markii guul ay xalay ka gaadheen naadiga Kashima Antlers ay ugu gudbeen finalka tartanka naadiyada dunida.

Sergio Ramos oo ay wehelinayaan Karim Benzema iyo Raphael Varane ayaa ka baxay hotelka ay ka deggan yihiin magaalada, waxaanay booqdeen meelo ka mid ah magaalada.

Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos oo ay la socdeen shan qof oo asxaabtiisa ah ayaa waxay soo mareen dhawr meelood, laakiin lebbiskooda oo ahaa dharka carabta iyo culimada Islaamku xidho ayaa dad faro badan soo jiitay intii ay dhex socdeen magaalada.

Maadaama ay qorrax kulul iyo jewiga jiilaalku ka jiro Imaaraadka Carabta, waxay qaateen muraayado madow oo iftiinka badan ee dhulka kasoo noqonaya iyo dabaysha ciidda wadata ay iskaga difaacaan.

Sergio Ramos ayaa bartiisa Instagram waxa uu soo dhigay sawir uu ku dhex jiro masaajid qurux badan oo ku yaalla Abu Dhabi, isaga oo muuqaalkiisu u egyahay sheekh, waxaana qoraal kooban oo uu soo raaciyey uu ku qiray inay tahay meel ixtiraam badan.

“Waa meel gaar ah. Xushmad iyo qaddarin leh. Waad ku mahadsan tihiin heshiiska iyo jacaylka. Goobta gaarka ah, xushmadda iyo ixtiraamka. Waad ku mahadsan tihiin soo dhoweynta diirradan iyo taageerada. #SheikhZayedMosque #AbuDhabi #UnitedArabEmirates” Sidaas ayuu soo qoray Sergio Ramos.

Laacibkani ma sheegin in xiddigaha kale ee la socday ay u raaceen Masaajidka laakiin sawir kalidii ah ayaa uu bartiisa ku baahiyey.

Daqiiqado kaddib sawirka Masaajidka, Sergio Ramos iyo Dani Carvajal waxa lagu sawiray goob kale oo aan la magacaabin.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS