Gerard Pique Oo Ciyaaraha Ka Fadhiistay Iyo Shakira Oo Ka Hadashay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gerard Pique Oo Ciyaaraha Ka Fadhiistay Iyo Shakira Oo Ka Hadashay.
December 21, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Laacibka xulka qaranka dalka Spain iyo kooxda Barcelona Ayaa sheegay in dhamaan ciyaarihii caalamiga ahaa uu ka fadhiistay isagoo wakhtiyo faro badan oo qurux badan la soo qaatay xulka dalkiisa.

Gerard Pique ayaa shir jaraa’id oo uu ka hadlay ka hor kulanka Spanish Super Cup ee ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Sevilla ayaa yidhi “waxaan gaadhay go’aan aan ka soo fikirayay mudo badan waxaanan ku soo guuleystay koobka aduunka iyo koobka yuruba oo ah labada koob ee qarankiisu uu ciyaaro.

Pique ayaa sheegay in uu doonayo in uu kooxdiisa Barcelona uu xooga saari doono isagoo sidoo kale sheegay in uu ku soo raaxeystay waayihiisii xulka qaranka Spain.

Laacibkan difaaca uga ciyaari jiray xulka Spain ayaa wuxuu dalkiisa u saftay 103 kulan, wuxuuna dhaliyey 5gool halka uu ka caawiyey 3gool, sidoo kale wuxuu qaatay 14 huruud ah halka uu qaatay 1 kaadh oo casaan ah.

Shakira oo ah xaaskiisa ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay fariin iyadoo sheegtay “ waa marxalad cajiib ah oo baaqi ku sii noqon doonta qalbiyadeena iyado sidoo kale sheegtay wakhtigii ugu fiicnaa nolosheeda uu ahaa markii aan ku arkay xulka qaranka Spain ee koobkii aduunka ee sanadkii 2010.

WAJAALENEWS DESK

CIYAARAHA

DIYAARIYE; MATAAN

COMMENTS
LINKS