Real Oo Diiday Mourinho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Oo Diiday Mourinho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.
December 21, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ee aan ka soo uruurinay wargeysyada Yurub ka soo baxa saaka oo Jimco ah.

Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha danbe iyadoo kooxaha Yurub la filayo inay soo iibsadaan xiddigo ay isku sii xoojiyaan inta ka hadhsan xilli ciyaareedka, halka kooxaha qaar ay isha ku hayaan xiddigo ay doonayaan xagaaga danbe, waxaana maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa.

Manchester City ayaa diyaar u ah iney kooxaha Barcelona & Paris Saint Germain kula loolanto xiddiga da’da yar ee Ajax Frenkie de Jong oo 21-jir ah laguna qiimeeyo 60 Malyan oo Pound. (Mirror)

Real Madrid ayaan dooneynin iney mustaqbal dhaw iyo mid fogba keento tababaraha laga eryey shaqada Man United ee Jose Mourinho oo 55-sano jir ah. (Marca)

Arsenal ayaa dooneysa iney iibiso xiddigooda ugu mushaarka badan Mesut Ozil kaas oo heshiiskiisa uu dhamaanayo 2021, balse wey ku adkaan kartaa iney si qasab ah ku iibiyaan. (Mirror)

Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in Kalidou Koulibaly oo 27-sano jir ah aan laga iibin doonin January kooxda Man United, balse laga yaabo xagaaga soo aadan. (Corriere del Mazzegiorno)

Roma ayaa diyaarineysa iney 25 Malyan oo Pound ka gudbiso bisha January xiddiga reer Holland ee ka tirsan Crystal Palace Patrick van Aanholt oo 28-jir ah. (The Sun)

Saxeexa cusub ee Man United Fred oo 25-jir ah ayaa diyaar u ah inuu u dagaalamo booskiisa kooxda ka dib markii uu banaanka u saaray Jose Mourinho. (Telegraph).

WAJAALENEWS DESK

DIYAARIYE SHIINE MATAAN;

COMMENTS
LINKS