Arsenal Oo Ku Soo Noqotay Dhabadii Guusha Iyo Aubameyang Oo Hogaanka Gool Dhalinta Sii Dheeraystay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Ku Soo Noqotay Dhabadii Guusha Iyo Aubameyang Oo Hogaanka Gool Dhalinta Sii Dheeraystay.
December 23, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Arsenal ayaa laga badiyey ciyaartii ugu danbaysay ee ay horyaalka ciyaareen iyadoo kooxdu aan ku soo dhawaan ciyaarihii ugu danbeeyey in laga badiyo.

Arsenal ayaa soo badisay 14 ciyaarood oo xidhiidh ah ka dib markii ay ciyaartii 15naad laga badiyey taasoo keentay in kooxdu ay ku dhacdo kaalinta 5aad ee kala horeynta kooxaha ee premier league.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa caawa guusha kooxdiisa gacanta u galiyey ka dib markii uu laba gool u dhaliyey 3gool oo ay arsenal kaga badisay kooxda burnley.

Goolka 3aad ayaa waxaa dhaliyey laacibka da’da yar alex iwobi goolkan oo ahaa mid aad u qurux badan oo uu ka soo shaqeeyey laacibka kubada baandheeya ee Mesut Ozil uu ka soo shaqeeyey.

Xiddiga reer Gabon ayaa laba gool oo qurux badan u dhaliyay kooxda Arsenal isaga oo sidoo kale sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka premier Leageu.

Diyaariye: Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS