Ciyaaryahanadii Hore Iyo Naadiga Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Wada Ciyaaray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaaryahanadii Hore Iyo Naadiga Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Wada Ciyaaray.
December 23, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Maalintii jimcihii ayaa Ciyaar aad u qurux badan oo quluubta dadka ku abtirsada bahda ciyaaraha iyo dadweynihii daawanayey soo jiidatay taasoo ahayd  mid si gaar ah loo soo agaasimay kana dhacday Garoonka weyn ee Hargeisa stadium.

Ciyaartan ayaa waxa ay dhex martay laacibiintii hore ee kooxda Dawlada Hoose ee Hargeisa iyo laacibiinta hada u ciyaara kooxda, ciyaartan ayaa ahayd mid aad u qiimo badnayn aadna u soo jiidatay dhamaan qof walba oo ehel u ah ciyaaraha.

Dhanka kale ciyaartan ayaa ahayd mid wadatay dhacdooyin faro badan iyo wajiyo aan mudooyin badan lagu arag garoonada oo lagu dhex arkay taasoo  dadka qaarkood  marka ay arkaan wajiyo badan oo aanay mudo ku dhex arag garoonada ay yaabi doonaan, sida laacibkii waynaa ee difaaca uga ciyaari jiray kooxda N.D.C  ee sagaashaneeyadii dhanka kalena waxa uu  ahaa ciyaaryahanadii lagu aasaasay kooxda dawlada hoose ee hargeisa oo ahayd halkii uu kubada kaga fadhiistay waa Maxamed Cabdilaahi (Macaane).

Dhanka kale kabtankii xulka gobolka Maroodijeex ee ku guuleystay koobkii gobolada Somaliland ee lagu qabtay gobolka togdheer magaalo madaxdiisa Burco  Sanadkii 2011 iyo sanadkii 2013kii oo hargeisa lagu qabtay ciyaaraha gobalada Somaliland

Kabtan Maxamed Xasan Maxamed (gabyaaye) oo ahaa ciyaaryahanadii ugu horeeyey ee kooxda lagu aasaaso ayaa maanta mar kale ka hor yimid isagoo wali ciyaartoy ah sida aad ku arki doontaan sawirada waa deeqaha ilaahay bixiyo in aad la ciyaarto asaxabtaadii oo odayaal ah.

Waxaa kale oo ciyaarta ka muuqda Maxamuud Cabdi Xasan(govindho) oo ahaa laacibkii ku guuleystay gool dhalinta  ciyaaraha gobolada somaliland sanadkii 2011 isagoo sanadkii 2013kiina ka mid ahaa 3dii ciyaaryahan ee gool dhalinta ku wada guulaysta iyo Mukhtaar Saleeban Maxamuud (gaabane) oo isaguna ka mid ahaa laacibiintii xulka gobalka maroodi-jeex ee sanadkii 2008.

Sidoo kale waxaa ka muuqda laacibkii weynaa ee axmed xuseen xawaash (dhako) oo ahaa weeraryahanadii ugu fiicnaa kooxda DHH iyo  Mustafe ililis oo ah ninka wata maanta kabtanka ciyaaryahanada cuslaaday iyo Fadxi Najax Cismaan, Axmed Isaaq(geel jire), Cabdi Cismaan(xabashi), Xamse Saxardiid, Maxamed (yadhe), khaddar Maxamed(af-dheer), Ayaanle Axmed iyo kuwo kale oo badan oo magic iyo maamuusba ku dhex leh kooxda.

Ujeedooyinka iyo waxyaabaha laga faaiidi karo ciyaaraha noocan ah oo la joogteeyo ayaa waxa ay ka mid tahay dhiirigalinta ciyaaraha iyo in ay isbartaan ciyaaryahanadii hore iyo kuwa danbe oo ay noqdaan kuwo isku xidhan, sidoo kale marka wiilka yar ee dhalinyarada ahi uu la ciyaaro ciyaaryahan hore ugu yaraan waxa uu ka faaidayaa khibrado badan oo ay ka mid tahay habka edaabta leh ee loo ciyaarayo.

Ugu danbayn waxaa mahad iska leh Eebaheen ina abuuray ina siiyey caafimaadka iyo nabad galyada aynu ku ciyaarayno,, sidoo kale waxaa xusid mudan oo ay tahay in  loo mahad naqo Macalinka weyn ee Maxamed Maxamuud( diridhaba) oo ah warshada waxaas oo ciyaaryahano ah soo saaray.

Diridhaba ayaa nin taariikh wayn ku leh kubada cagta ee wakhtigii dawladii hore ee Somaliya Wuxuuna ahaa ciyaartoygii Xulka Waqooyi Galbeed ee ku guulaystay Sanadkii 1986kii oo markii ugu horeysay ee ay hargeisa ku guuleysatay.

Tababare diridhiba ayaa ahaa laacibka ugu adag khadka dhaxe ee difaaca(5ta) diridhaba waa nin gaaban balse waxa uu aad ugu fiicanaa boodadiisa oo aad u dheerayd iyadoo nin kasta oo dheer uu madaxa kaga qaadi jiray taasina waa ta kaliya ee u saamaxday in uu noqdo ama ku biiro Xulka Qaranka Somalia.

Diridhaba ayaa ahaa ciyaartoyga kaliya ee ka soo jeeda Waqooyi Galbeed ee lagu daro ama ka mid noqda Xulka Qaranka Somaliya, isagoo dhawr jeer laga reebay ugu danbayntiina markii laga maarmi waayey ay khasab noqotay in lagu daro.

Macalin Diridhaba oo maalintaa ilaa maanta oo aynu ku joogno 40sano  ku dhawaad ku dhex jira ciyaaraha isagoo naftiisa u hibeeyey sidii uu dhalinyarada uga badbaadin lahaa balwadaha iyo mukhadaraadka iyadoo aynu maanta aragno midhihiisii ilaahay caafimaadka iyo cimrigaba ha u dheereeyo Macalin Maxamed Maxamuud (diridhaba).

Ugu danbayn waxaa isaguna amaan iyo xusid mudan Jamal Mahad Xaashi oo ahaa ciyaaryahanadii hore ee dalka oo isaguna markii ay ciyaartu dhamatay Casho Sharaf u sameeyey dhamaan labadii ciyaartoy ee halkaa ku wada ciyaaray.

ALLAA MAHAD LEH.

Diyaariye:- Maxamed Cali Mataan.

COMMENTS
LINKS