Thiago Silva Oo La Xaday Guriga Uu Ka Degan Yahay Paris Iyo Hanti Badan Oo Laga Qaatay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Thiago Silva Oo La Xaday Guriga Uu Ka Degan Yahay Paris Iyo Hanti Badan Oo Laga Qaatay,
December 24, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Laacibka weyn ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee daafaca uga ciyaara ee Thiago Silva ayaa guriga uu ka degan yahay Magaalada Paris ayaa loo dhacay maalintii Sabtidii wakhti ay soctay ciyaartii PSG iyo Nantes.

Intii ay socotay ciyaartii Sabtidii ay PSG la yeelatay Nantes, waxa loo dhacay guriga uu magaalada Paris ku leeyahay difaaca reer Brazil ee Thiago Silva.

Inkasta oo guriga uu leeyahay nidaam amni oo ay ugu deeqday kooxdu, haddana tuugada ayaa la sheegay inay awood u yeesheen inay gudaha u galaan, waxaanay ka qaateen hanti faro badan.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa dalka Faransiiska, guriga oo ku yaalla deegaan aad loo ilaaliyo oo ay deggan yihiin dadka caanka ah, ayey tuugadu kasoo galeen saqafka sare, waxaanay ka qaateen saacad qaali ah oo qiimaheedu yahay 600,000 Euro iyo alaabooyin kale oo ay ku jiraan dahab, kuwaas oo marka qiimahooda laysku geeyo noqonaya hal milyan oo Euro.

Horraantii bishan, Eirc Choup-Moting oo ay Silva ka wada tirsan yihiin PSG, ayaa sidan oo kale loogu dhacay guriga uu ka deggan yahay Paris, waxaana laga qaatay alaabooyin badan.

Waqtigii la xadayey guriga Silva, waxa ciyaartoyga iyo qoyskiisuba ay ku maqnaayeen ciyaartii ay 1-0 kaga adkaadeen Nates, waxaana goolka u dhaliyey Kylian Mbappe, hase yeeshee markii ay dhamaatay damaashaadkii farxadda ee garoonka gudihiisa, ayaa Silva iyo qoyskiisu waxay kusoo laabteen guriga oo lasii baadhay, isla markaana saqafka sare meelo ka bannaan yihiin.

DIYAARIYE SHIINE MATAAN.

COMMENTS
LINKS