Xigmaawigii Xiiqsanaa…1…Aad W/Q: Cali Cabdi Coomay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xigmaawigii Xiiqsanaa…1…Aad W/Q: Cali Cabdi Coomay.
December 27, 2018 - Written by Editor:

Muuqaal ahaan markaad ku eegto aragti caafimaad qabta waxaad is-odhanaysaa magaalada ayuu nin walaan ka qoran yahay, ma se aha sidaasi. Wuxuu si deg deg iyo jees jeesi badani ka muuqato noola soo fadhiistay goob aanu inta badan shaaha iyo sheekada ku wadaagno. Markaasuu markiiba si hubsiimo la’aan ah ugu yidhi gabadhii shaaha shubaysay” fijaan shaah ah ii dhiib”. Gabadhii ayaa qaabka dhaqan dumarka u qiimaysay markaasay hoos iyo sareba u eegtay, kuna tidhi” ma caddays mise bigays’, markaasuu ugu af-celiyey” maxaad ka sarifaysaa mid uun keen”. Intay dhoola-caddaysay ayey sida jirjiroolaha isu-sii-jajabisay.

Markii ay shaahii keentay ayuu gabadhii kula kaftamay” Maahmaah Ruush ah ayaa tidhaa, Waddada loo maro ragga qalbigoodu waxay sii martaa caloosha”, markaa ragga cuntadooda dood lama geliyo. Wuxuu markiiba cabis toos ku bilaabay shaahii, markuu waxoogaa xaraaro baxay ayuu golihii aanu fadhinay sheekadii ku soo darsada. Intuu intii goobta fadhiday indhaha la raacay ayuu si cad u yidhi waar nimanku yar yaraa. Wixii intaasi raaciyey, weligiin wakhtiga ha iskaga luminina wax aan faa’iido idiin lahayn, haye ayaanu niyada la nidhi. Nin dhallinayaro ahaa oo ka ag-dhawaa ayaa muuqaalkiisa ka yara shakiyey, oo ka soo yara durkay. Markaasuu ku yidhi” iska fadhi muuqaakayga ha ka didine”. Markaasuu yidhi” wixii aan idinku dhaamo ee aan soo akhriyey ama taariikh aan goob jooge u ahaa waan idiin sheegi doonaa, haatan cimrigaygu waa 69, idinkuna wixii aad igu dhaantaan igu kordhiya. Anigu haddii aan ku horreeyo.

= Jamaal Cabdinaasi madaxweynihii hore ee Masar wuxuu carab ugu baaqay ballanteennu waa Tel Aviv “ilaa liqaa Tel aviv”. Maxaase ka dambeeyey? Waxa beddelay’ Ilaa liqaa Qaahira, oo dhul ballaadhan oo Siinaay ka mid ahayd ayaa Masar laga qabsaday” bishii Juun 1967 dagaalkii dhexmaray Yuhuuda Ameerikaanku garab taagan yahay iyo carab tafaraaruq hadheeyey oo iyadu boqonta is-wada-jaraysa, wuxuu ku dhammaaday lix maalimood in carab lagaga adkaaday oo dhul ballaadhan laga qabsaday. Diyaaradaha Yuhuuda oo Maraykanka dayaxgacmeedkiisu hagayo, markay Naabaal ku gubeen askartii Masar oo Banka Siinay taagan, waxa ay ku calaacaleen naar ayaa cirka nagaga timid” Jaxiima tatii min samaa”

Cajiib wallee ninku waa waayo badan u soo joogay oo wax akhrisna caado ka dhigtay. Markaasuu haddana yidhi.

= Xilligii dagaalkii qaboobaa, hayadihii sirdoonka “CIA iyo KGB” waxa ka dhex socotay basaasnimo iyo is-khaarjin xad-dhaaf ah. KGB waxa ay ku guulaystay inay si hoose u disho Assassination’ sarkaal CIA ka tirsanaa kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eeg oo KGB ah. Sidaasi oo kale, CIA iyaduna waxa ay ku guulaystay inay disho sarkaal KGB ah, kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eeg sarkaal CIA ah. Sannadkii 1980-yadii ayaa shacabka reer Iiraan waxa ay aad ula yaabeen naxariis darrada Ayaatullaha Khowweyne, ka dib suxufi reer Iiraan ah ayaa wargays ku qoray, in ninkii Khoweyni la odhan jiray beri hore uu dhintay oo Khoweyniga maanta na laynayaa uu yahay nin ay KGB ay ka keentay gobolka Tashkanti oo loo eekaysiiyey Khoweyni reer Iiraan.”

Heer sare, kooxyadii goobta fadhiday ayaa laga waayey wax dhaqaaqaya, qof kastaa siduu xigmadda u dhuuxayey ayuu shaahii uu cabayey ka qaboobay. Haddana hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu is-raacay saddex xigmadood, oo uu yidhi”

= Jin baa ku yidhi caruurtiisi waddooyinka masaajidka loo maro ku ciyaara salaaddana ka mashquuliya dadka. Oday wayn ayaa soo maray jidkii ilmo jin ku ciyaarayeen isagoo u degdegaya salaadda ayuuna turaanturooday isagoo sii dhacaya ayuu yidhi: Xasbuna laahi waa nimal wakiil” balse intaanu dhulka gaadhinba jinkii wayna ayaa qabtay odaygii dhacayay. Caruurtiisi ayaa ku tidhi ‘Aabbo maxaad u badbaadisay ha dhintee” wuxuu ugu jawaabay: Dadka jannada ayaynu ka hortaagan nahay, maaha masaajidka, haddu ku dhiman lahaa kelmeda u yidhi ogaada hore ayuu jannada ka geli lahaa”

= Marka uu Odaygu gaboobo, waxa la hadla islaantiisa oo tidhaa, miyaan kuu taliyaa mise waan kaa tagaa. Ii tali ayuu yidhaa. Kaadiduna waxa ay tidhaa miyaan kaa gobo’leeyaa mise waan kugu istaagaa. Iga gobo’lee ayuu yidhaa”.

= Wakhtiyadii gumeystayaashu joogeen Somaliland ayuu damcay ingiriisku inuu cisbitaal lagu daweeyo cudurka qaaxada dhiso, munaasibadii bilowga dhagax dhiga ayuu nin ka dhexqayliyey dadkii waxa aanu ku dhawaaqay in la joojiyo dhismaha cisbitaalka, waayo waxa aan hayaa wax kale oo daweyn dara cudurka qaaxda. Iyadoo lala yaaban yahay daawo aan ahayn (Antibiotics), ayaa la weydiiyey inuu sharaxo daawada uu hayo. Wuxuu ku hal-celiyey” daawada qaaxadu waxa ay u baahan tahay nafqo, sidaa darteed waxa habboon qofkii qaaxo qaba in la qoro shaqaalaha waaxda cashuurta dekeddaha. Markuu lix bilood laba-canleeyo xoolaha ummadda ee uu naaxo, wuu caafimaadayaa”.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

COMMENTS
LINKS