Meeqaamka soomaalidii hore | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meeqaamka soomaalidii hore
December 28, 2018 - Written by Reporter:

Noole kasta oo dunida ku nool waxa aasaas iyo saldhig u ah taariikh iyo isir abuuritaankiisu kasoo bilowdo waana xikmad dabiici ah oo ilaahay swt ugu talo galay.

Dadyoowga iyo Qoomiyadaha dunida ee qaaradaha kala durugsan ku kala nool midkasta waxa uu hanti ahaan u leeyahay sawrac iyo taariikh ay noloshoodu kasoo bilaabantay, tusaale ahaan soomaalida oo kamida qoomiyadaha ku nool qaarada afrika waxay leedahay tilmaamo iyo taariikho nololeed oo markasta la jaan-qaadayay isbadalada xadaarada nolosha iyo xidhiidhka dunida.

Waa mawduuc aad u mug weyn oo aan suurto gal ahayn in qoraalkeygan aan kusoo koobo balse waxaan idinla wadaagayaa Qodob kamida ah taariikhda qoomiyada soomaalida oo ah ” Meeqaamkii ay soomaalidii hore ka mudnaayeen qoomiyadaha kale iyo qaabkii ay ula macaamili jireen ”

Xaqiiqo ahaan qof kasta wuu og yahay dhaawaca weyn ee gaadhay sharaftii soomaalinimo iyo aragtidii ay umadaha kale ka aaminsanaayeen qofka soomaaliga ah xilligan aynu joogno taas oo ay sababeen dhibaatooyin la inoosoo dhoofiyay oo lagu cidhib tirayo ama lagu wiiqayo jiritaankeena umadeed, diinteena,
akhlaaqdeena iyo hab-qadhanka wanaagsan ee bani-aadamnimo,

Hadaba soomaalidu waayadii hore waxay ahaayeen dad qiimo leh oo dadnimadooda iyo jiritaankooda aad u ilaashada kana fikira oo odorasa danta guud iyo ilaalinta amuuraha aasaasiga ah, ganacsiga iyo xadaarada dunidana baal dahab ah ayay kaga jireen taasoo sababtay in qadarin iyo qiimayn gaar ah ay yeeshaan oo dadyoowga kale ee geeska afrika ay ka sareeyaan.

Maalin aan sii fogeyn ayaanu masjid kuwada tukanay nin oday ah oo ganacsade ah oo u dhashay dalka cumaan.

Markii uu na arkey ayuu na weydiiyay inaanu soomaali nahay, markii aanu u jawaabney ee u sheegnay inaanu soomaali nahay ayuu nooga waramay taariikh iyo dhacdooyin cajiib ah oo uu soomaalida kala soo kulmay waxaanu nala wadaagey inta uu ka yaqaanay habdhaqankii soomaalida maadama uu dhowr jeer hawlo ganacsi u tagay dhulalka soomaalidu degto sida uu noo sheegay.

Wuxuu ii sheegay in soomaalidu ay ahaayeen dad aad u ixtiraam badan oo aad isu jecel, waxa kale oo uu soomaalidii wakhtigaas ku sifeeyay dad aamin ah oo aan khiyaamada iyo beenta aqoonin isla markaana aad u ixtiraama heshiisyada ganacsi ee ay dadyoowga kale la lahaayeen.

Ugu danbeyn waxaan xasuusinayaa qof kasta oo soomali ah inuu masuul ka yahay ilaalinta sharafta iyo jiritaanka umadiisa isla markaana uu ka turjumayo ama uu astaan u yahay akhlaaqda iyo sifooyinka laga tilmaansan soomaalida oo idil.

W/Q: khalid abdi muhumed

khaalid.bulshaawi@gmail.com

Makkah al mukkarammah

COMMENTS
LINKS