Howlgab guri joogga la qabsan waayay oo shaqadii dib ugu laabtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Howlgab guri joogga la qabsan waayay oo shaqadii dib ugu laabtay
December 28, 2018 - Written by Reporter:

Nin 77 Jir ah, hore na u noqday howlgab ayaa haatan billaabay in mar kale uu shaqeeyo, isagoo na sheegay in uu shaqeyn doono ilaa iyo inta karaankiisa ah.

Graham Smith, oo ka soo jeedaa magaalada Dunstable ee dalka Ingiriiska ayaa go’aansaday inuu holwgab noqdo da’diisu markay aheyd 65 sano.

Ninkan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in uu xamili waayay guri iska jooga, oo uusan waxba ka helin, wuxuuna shaqo ka dalbaday garoonka diyaaradaha ee Luton.

Graham haatan waa shaqaalaha ugu da’da weyn garoonkaasi.

.

”Waan sii wadayaa shaqadan ilaa iyo inta aan ka shaqeyn waayo, mana u maleynayo in taasi ay dhici doonto wakhti dhaw”, ayuu yidhi Graham.

Waxaana uu intaa raaciyay “waxaan u sheegay maamulaheyga in aan halkan ku dhiman doono”.

Graham ayaa sidoo kale sheegay in dad badan ay moodaan in uu waalanyahay marka ay arkaan isagoo da’dan ah haddana shaqeynaya, waxaana uu intaa raaciyay in uu ku faraxsanayahy shaqadiisa, isagoona intaa ku daray in shaqada ay tahay nolol maalmeedkiisa madaama uu sheegay in xaaskiisa ay dhimatay sannad kahor.

Chris Jones, oo ah madaxa ammaanka ee garoonka uu ka shaqeeyo odaygan ayaa sheegay in Graham uu yahay qof aad looga yaqaano garoonka.

“Shaqo wanaagsan ayuu qabtaa, mar walabana waa qof la isku haleyn karo oo tusaale u noqday dadka kale” ayuu yidhi Chris.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS