Xisbiyadu Ma Xeryo Ciidan Baa Oo Amar Uun la Isa siiyo,Mise Waa Goob Maanka Lagu Tuujiyo Oo Ra’yiga La Isku Weydaarsado? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyadu Ma Xeryo Ciidan Baa Oo Amar Uun la Isa siiyo,Mise Waa Goob Maanka Lagu Tuujiyo Oo Ra’yiga La Isku Weydaarsado?
December 28, 2018 - Written by Editor:

Waxa Aan daawaday hadalkii ay sadexdaa muwaadin ee reer Somaliland kaga jawaabeen xil ka qaadistii iyo ka xayuubintii xubinimadii xisbigii ay ka tarsanaayeen ee kulmiye.

#Geeljire , #prof_Abdi_Ali iyo #Osman_ku_jare

Waxa iiga soo baxday oo ay sadexdooduba sheegeen in ay u malaynayaan uun in rayigooga lagu maagay oo waliba dariiq qaldan oo aan midna la ogeysiin loo maray , digniin loo dirin lagu xukumay, kaaga sii darane ay warbaahinta uun ka arkeen.

Haddaba su’aal waxa ay Somaliland leedahay dastuur qaran, dastuurka qodobkiisa 32aad waxa uu sheegayaa xoriyada muwaadinka ee ra’yi dhiibashada, marka laga yimaado kitaabka Alle sharciga ugu weyn ee dalka lagu dhaqaa waa dastuurka iyo xeerarkiisa sida sharcigu dhigayo, markaa dastuurka iyo xeer hoosaadka xisbiga keebaa weyn?

Marka aynu ku fikirayno caqliyada xorta ah iyo nidaamyada dimuqaradiyada iyo waxa aynu u sameysanay axsaabta waxa aan ka aaminsanahay in rayiga oo kala gedgedisani keeno horumarka iyo wax cusub oo qofwaliba ra’yigiisa dhiibto oo waxii wanaagsan la isku taageero waxii kalena la iska qabto.

Mid kalena damiirkayga iyo aragtideyda aan qabo waxa aan u arkaa qalad iyo foolxumo qaran in la raaligaliyo maalinba qofka kursiga fadhiya oo waxa uu dhibsanayo lala dhibsado waxa uu jecel yahay lala jeclaado, taasi waxa ay gef ku tahay caqliyada wanaagsan iyo binudanimada.

Qofka waad qaldan tahay ku yidhaahda ama xaqa ku adimaa waa qof nasteex u ah qofka kursiga jooga lexojeclana ka qaba dalka ee yeynaan sacabka uun tumin oo lugoynin marba inta meesha inoo fadhida , inbaa jirta hadaad jarka ka sii dhacayso ku odhanaysa sax baad tahay taasina dadnimo daro iyo diin daro weeyi.

Fiirogaara: waxyaabaha lagu eedeeyay iyo xeer hoosaadka xisbiga iyo xeerka anshaxa ee la mariyey midna kama warqabo laakiin intaa daahirka ah ee ii muuqata ayuun baan ka hadlay.

Aragtideyda

QALINKII; Muhamed Dhimbiil.

 

COMMENTS
LINKS