Qorshaha Real Madrid Ay Ku Doonayso Inay Ku Keento Mohamed Salah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshaha Real Madrid Ay Ku Doonayso Inay Ku Keento Mohamed Salah.
December 28, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Real Madrid ayaa mar labaad soo cusbooniisiisay doonitaankeedii laacibka afka hore uga ciyaara kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax.

Xiddiga reer Masar ayaa dhowaan soo afjaray wararkii ku xidhiidhinayey Los Blancos iyo kooxaha kale sida Barcelona iyo PSG, kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah, hase yeeshee, Real Madrid oo xagaagii uu ka tegay halyeygoodii Cristiano Ronaldo ayey xaaladdu ku xun tahay, waxaanay raadinayaan beddelkiisa oo ay diyaar u yihiin inay wax  walba u huraan.

Real Madrid waa inay Bernabeu keento Eden Hazard oo qandaraaska uu kula jiro Chelsea dhamaad ku dhow yahay, kana war-wareegaya inuu cusboonaysiiyo, laakiin sida ay warbaahinta dalka Spain ku warrantay, madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa dib usoo celiyey xiisihii Mohhamed Salah.

Sida uu qoray wargeyska El Gol Digital, Perez ayaa soo bandhigay qorshe uu markiiba taageero uga helay qaar ka mid ah ciyaaryahannada kooxdiisa, gaar ahaan kabtanka Sergio Ramos, kaas oo noqon kara mid ay Liverpool ku qancinayaan inay faraha uga qaadaan Salah oo uu xidho funaanadda cad ee kooxda boqortooyada bilowga xili ciyaareedka dambe.

Madaxweyne Perez waxa uu doonayaa  in heshiiska Mohamed Salah uu qayb ka noqdo da’yarka laga jecel yahay Anfield ee Marco Asensio oo Liverpool ay u dirayaan iyaga oo raacinaya lacag, waxaana markiiba ku garab istaagay Sergio Ramos oo u sheegay inay tahay sida ugu habboon ee la samayn karo ee ugu dambayn Salah kaga soo degi karo Bernabeu.

Sergio Ramos iyo Mohamed Salah oo aan isku wanaagsanayn kaddib markii uu garabka ka jabiyey finalkii Champions League ee bishii May lagu qabtay Kiev oo Real Madrid ay 3-1 kaga adkaatay Liverpool, ayaa waxa uu hadda soo dhoweeyey inay iska garab ciyaaraan laacibka reer Masar.

Dhinaca kale, Asensio oo bilowgii xili ciyaareedka la siiyey boos joogto ah oo si loo tijaabiyo inuu buuxin karayo booskii Ronaldo, ayaa 25 kulan oo uu saftay waxa uu dhaliyey afar gool oo kaliiya iyo afar caawimood, taasina waxay keentay in Santiago Solari uu kaydka u diro.

22 jirkan reer Spain marka la barbar-dhigo Mohamed Salah iyo waxqabadkiisa Liverpool, waxa uu xiddiga reer Masar dhaliyey 15 gool iyo toddoba caawimood 26 kulan oo uu saftay, waxaana uu qaybta ugu weyn ku leeyahay rikoodhka ay Liverpool ka samaynayso Premier League ee illaa hadda ay tahay kooxda kaliya ee aan hal marna laga adkaanin.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS