Muxu Sharcigu ka qabaa in la dhaariyo Agaasimayaasha Guud? W/Q: Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdillaahi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxu Sharcigu ka qabaa in la dhaariyo Agaasimayaasha Guud? W/Q: Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdillaahi
December 29, 2018 - Written by Reporter:

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo hay’aduhu waxa ay ka mid yihiin madaxda sare ee dawladda ee uu Dastuurku magacaabiddooda iyo xilkaqaadistooda awoodda u siiyay madaxweynaha, si la mid ah Wasiirrada, Wasiir-kuxigeennada, Hantidhawraha guud, guddoomiyaha Baanka dhexe i.w.m, sida ku cad qodobka 90 (3) (b) (t) (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaaliland.

Haddaba masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda ee Dastuurku awoodda u siiyay Madaxweynaha magacaabidooda iyo xilkaqaadistooda rigligaa waxa ku waajibtay sharciyan in loo dhaariyo goobta iyo xilka loo magacaabay, si waafaqsan siiqada ay waajibinayaan Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dajisaniba.

Bal u fiirso saddexda qof ama masuul ee u sarreeya ee uu wasaarad kasta madaxweynuhu u soo magacaabaa waa: Wasiirka, Wasiir-kuxigeenka, Agaasimaha guud, haddii aanay wasaaraddu Wasiiru-dawle lahayn, labada hore ee Wasiirka iyo Wasiir-kuxigeenka, sida uu Dastuurku uu waajibiyay waa la mariyaa dhaarta.

Laakiin Agaasimayaasha Guud ee wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo madaxbannaan laguma dhaariyo dhaartii uu sharcigu ku waajibiyay, waana  xubinta ugu masuuliyadda culus madaxda sare ee hawlgalinta iyo hawlsocodsiinta oo dhammi saaran tahay, waxaana  ka mid ah  masuuliyadda iyo waajibaadka saaran  kuwan soo socda,  sida ku cad  qodobka 25 ee Xeer Lr. 71/2015; Xeerka Nidaamka  Xukuumadda.

1. Fulinta barnaamijyada shaqo maalmeedka wasaaraddiisa.

2. Dabagalka iyo qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda

3. Xidhiidhinta xarunta iyo gobollada.

4. U soo gudbinta wasiirka warbixinno ku saabsan halka shaqada wasaaraddu marayso.

5. Xidhiidhinta iyo dabagalka hawlaha horumarineed ee wasaaradda.

6. Diyaarinta qorshaha wasaaraddiisa.

7. Ka qaybgalidda shirarka farsamo ee heer caalami ee loo xilsaaro.

8. Koruqaadista sawirka ama muuqaalka hay’addiisa.

9. Diyaarinta iyo iskudubbaridka miisaaniyadda wasaaraddiisa isaga/iyada oo la xidhiidhay, agaasimayaasha waaxaha, saraakiisha gobollada/degmooyinka ee sarsare iyo dadweynaha wasaaraddu u adeegto, marka ay lagama maarmaan noqoto, si uu ugu gudbiyo wasiirka.

10. Korjoogtaynta iyo hubinta isu dheellitirka dakhliga iyo kharashaadka.

11. Soo saarista xisaabxidh sannadeedka.

12. Qabashada shirarka shaqaalaha wasaaradda.

13. Kormeerka waaxyaha iyo soo saarista dhalliilaha shaqadda iyo u-soogudbinta wasiirka xubnaha mutaystay.

14. Xidhiidhiyaa/xidhiidhisaa hawlaha shaqo ee toddobaadlaha ah.

15. Hawlgalinta shaqaalaha iyo hubinta hawlgudashadooda iyo wixii kale ee xeer u xilsaaro.

16. Hirgalinta nidaamka diiwaangalinta waxqabadka shaqaalaha iyo joogtaynta ka warbixintooda.

17. Hawgalinta iyo hagidda guddiyada wasaaraddiisa ee agaasinkiisa hoos yimaadda.

18. Qorshaynta iyo diyaarinta tababarrada shaqaalaha.

19. Dersidda baahida shaqaale ee wasaaradda iyo soojeedinta kordhintooda.

20. Soojeedinta magacaabista iyo isku-beddelka agaasime waaxeedyada.

21. Kharashgaraynta kharaashaadka ku jira miisaaniyadda iyo mashaariicda.

22. Dejinta halbeegga waxqabad iyo kala-sarraynta waxqabadka waaxyaha si loo joogteeyo abaalmarinta shaqaalaha.

23. Dejinta halbeegga shaqa-wanaagga madaxda waaxyaha iyo shaqaalaha.

24. Dejinta halbeegga waxqabadka iyo kala-sarraynta waxqabadka waaxyaha si loo joogteeyo abaalmarinta shaqaalaha.

25. Ka-qaybgalidda shirarka farsamo ee heer caalami ah.

26. Ka-qaybgalidda dejinta qorshaha qaranka isaga oo ka wakiil ah wasaaraddiisa.

27. Guddoominta guddida anshaxmarinta shaqaalaha wasaaradda.

28. Iyo xilka iyo waajibaadka kale ee ay u xil saaraan xeerarka dalku.

Masuulkan (Agaasimaha Guud) oo waxaas oo masuuliyad ah haya waxa uu sharcigu ku waajibiyay in loo dhaariyo xilkan Agaasimaha Guud ee loo magacaabayo, sida uu waajibinayo qodobka: 12aad ee Xeer Lr. 7/96. Dhaartan uu sharcigu ku waajibinayo in lagu dhaariyo Agaasimayaasha Guud waxa ay u dhigan tahay siiqo ahaan sidan:

“Waxa aan ku  dhaaranayaa magaca Ilaahay,  in aan xilka iyo masuuliyadda la i saaray aan u gudanayo si waafaqsan  shuruucda dalka JSL, daacad u ahaanayo, iyo in aan sirta shaqada ilaalinayo 00 aan u dhaqmayo si dhawrsoon 00 u qalanta heybadda xafiiska.”

Soo-jeedin:

Madaxweyne, adiga oo ku mahadsan tababarka aad u qabanayso Agaasimayaasha Guud si aqoontooda loo kordhiyo oo ay si fiican shaqadooda ugu gutaan, adiga oo dabbaqaya shuruucda dalka u taalla iyo masuuliyadda culus ee ay qarankan u hayaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha ee aad xilkaa culus u magacawday, waxa aan soo jeedinayaa in loo dhaariyo dhaarta uu sharcigu ku waajibinayo.

Agaasimayaasha Guud ma shaqaalaa; mise waa boos siyaasi ah? Muxuu se sharcigu u aqoonsan yahay?

 

La soco qaybta danbe………………………..

Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdillaahi

Email: xu06-shabeel@hotmail.com

COMMENTS
LINKS