Maxaad kala socotaa Somaliland, iyo Khataraha Siyaasadeed e ku gadaaman xiligan!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad kala socotaa Somaliland, iyo Khataraha Siyaasadeed e ku gadaaman xiligan!!!
December 29, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland waa ay nasiib badan tahay wax badana ilaahay waa ku soo guuleeyeey oo waa aynu ka soo baxnay marxalado badan oo adag oo dadka qaar werwareen maantana marka aad eegto dagaalada siyaasadeed iyo isbadelada ka socda geesku waa qaar laga werweri karo waxa ay la soo socdaan.

Haddaba maanta marka aad wax badan eegto oo uu qodobka koowaad ee ugu weyn yahay isbadelka Geeska Africa ka socda iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland hadii sidan lagu sii socdo waa mid mushkilad Somaliland ku noqon doonta oo u baahan in si qaran looga gaashaanto loogana hawlgalo.

Sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay shaqsiga isbadelada geeska furaha u ahi waa Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed , inkasta oo aanu aheyn qof ku cusub siyaasada Geeska Africa oo lagu tiriyo dadka aad ka ula socda dhacdooyinka marxaladaha mandaqada, haddana siyaasadiisu waxa inta muuqata ku sidkan tahay ta somalia iyo farmaajo.

Khataraha kale ee jira ama sumcadii iyo meeqaamkii Somaliland Aduunka ku lahayd nusqaamin karaa ama wadajirka reer Somaliland wiiqaya waxa ka mid ah dib u dhaca doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka , saami qaybsiga aan xalka loo hayn ee kuraasta baarlamaanka iyo kala shakigii ka soo baxay doorashadii hore ee madaxtooyada Somaliland.

Waxa kale oo iyaduna khatar Somaliland ku ah wakhtigani waa saamiga xilalka xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi oo ilaa hadda aan miisaanayn marka aad aad u eegto gobolada ama nidaamka beelaha oo guuxiisa hoose socdo loona baahan yahay xukuumad sigib tiran la helo, inkasta oo uu Madaxwayne biixi ku adkaysanayo in ay sidaa ku miisaaman tahay.

Ta afraad waxa ay tahay in siyaasi u dhashay gobolka sool dhabarka laga soo taabtay Addis Ababa oo hadii uu doorashada puntland ku soo baxo laga yaabo in gobolada bariga ee Somaliland uu culays saaro, oo halkaasina ay ka cusboonaato siyaasad reernimo loogu gacan haadiyo dadka reer Somaliland ee Sool iyo Buuhoodle.

Ta shanaad oo ah heshiisyadii lala galay khaatumo iyo cali khaliif oo u baahan in la fuliyo waxii macquul ah ee dadkeena reer khaatumo ku niyadsan yihiin, waana arin muhiima in wakhtigan boodhka laga jafo oo aynu helno Somaliland isla jaanqaada.

Iyo qodobka lixaad oo ah in xanafihii iyo xurgufihii doorashada madaxtooyada Somaliland iyo dagaal beeleedyadii bariga dalka ka dhacay la bogsiiyo, oo xoogana la saaro sidii aanay mar dambe inoogu soo noqon lahayn.

Intaasi waxa inoo dheer tabashooyinka waxqabadka iyo maamulka iyo tayo la’aan xukuumadeed oo inta badan dadka reer Somaliland wada dareemeen , iyo waliba xukuumad iyo goleyaashii qaranka oo xisbi kali ahi ku kaliyeystay iyada oo uu meesha ka baxay xisaabtankii iyo xaqsoorkii umada reer Somaliland.

Arimahan iyo qaar kale oo badani ayaa waxa loo baahan yahay in laga taxadiro , xilka qaranka ee ugu waynina waxa uu saaran yahay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo wax badan uu qalinkiisu xalin karo, wax badan oo kalena uu go’aan qaadashadiisa iyo tanaasulaadkiisa lagaga gudbi karo gaar ahaan xaaladaha doorashooyinka.

Aragtideyda

Qalinkii: Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS