Roberto Firmino Oo Xalay Rikoodh Hore U Yaalay Jabiyey Ciyaartii Liverpool Iyo Arsenal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Roberto Firmino Oo Xalay Rikoodh Hore U Yaalay Jabiyey Ciyaartii Liverpool Iyo Arsenal.
December 30, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Laacibka xulka qaranka  Brazil ee Roberto Firmino ayaa xalay loo diiwaangeliyey in uu jabiyey rikoodh taariikhi ah markii uu ka dhaliyey saddexlayey ciyaartii Liverpool iyo arsenal ee lagu xasuuqay taasoo ku dhamatay 5:1 ay guushu ku raacday kooxda arsenal.

Jurgen Klopp ayaa jabiyey derbiga Arsenal ee uu soo dhisay tababare Unai Emery daqiiqaddii 14aad, waxaana uu daqiiqad kaddib raaciyey mid kale, xilli dambena waxa uu rikoodhe ku samaystay taariikhdiisa saddexleyda ee kulankan.

Roberto Firmino, ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Liverpool ah ee saddexley ka dhaliya Arsenal muddo 11 sannadood, waxaana uu sidaas ku galay liiska halyeeyada Reds ee lagu xasuusan doono kulamada a Arsenal wada yeeshaan.

Saddexley uu ciyaartoy Liverpool ka tirsan ka dhaliyo Arsenal waxa  ugu dambaysay sannadkii 2007 oo uu weeraryahankii reer England ee Peter Crouch uu saddex wada socda ka saxeexday Arsenal, waxaase beddelay oo hadda liiska soo galay Firmino oo sidoo kalena raadinaya rikoodh kale oo niyad jab ku ah Arsenal.

Ciyaartoyga Liverpool ee goolasha ugu badan ka dhaliyey Arsenal, waxa uu ahaa weeraryahankii Fowler oo sagaal gool ka dhaliyey, laakiin Firmino ayaa haddaba marinaya siddeed gool, waxaana uu u baahan yahay laba gool oo kaliya si uu u noqdo xiddiga Liverpool ee dhibaatada ugu badan u geysta Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool oo hoggaanka Premier League ku haysa 54 dhibcood oo toddoba dhibcood oo nadiif ah ka horreysa Tottenham oo kusoo xigta, ayaa waxay toddobaadka dambe la ciyaari doontaa Manchester City oo leh 44 dhibcood laakiin kulankeeda usbuucan maanta gellinka dambe la ciyaari doonta Southampton.

Liverpool ayaa muddo ka badan 30 sanadood aan arag ama aan qaadin horyaalka balse waxaad moodaa in maanta ay u eeg tahay tii sanadkan iska lahayd koobka iyadoo aan hal ciyaar laga badin tan iyo intii uu socday tartanku hadii ay sidaa ku sii wado shaki kuma jiro in ay iyadu leedahay.

Labada ciyaarood ee aadka indhaha loogu hayo ayaa ah ciyaarta ay wada ciyaari doonaan city iyo Chelsea, hadii ay labadaa kooxdood ka guulaystaan oo ay ka qaataan 6da dhibcood shaki kuma jiro in loo caleemo saari doono sanadkan in uu yahay sanadkii Liverpool.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS