Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2019-ka!Qalinkii:Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oddoroska Nayruuska Sannadka Cusub Ee 2019-ka!Qalinkii:Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)
December 30, 2018 - Written by Editor:

Dhinaca wanaagsan marka aynu ka eegno, “dagaal yahanaddii iftiinka,” waa in aad isku daydaa wax ka qabashada ficillada iyo go’aamadda masuuliyaddeed, si kastaba ha ahaatee, waa in la muujiyaa u diyaar garowga ka hortaga xaaladdaha aan khaladaadka lahayn cadeyntooda iyo isku-xidhnaantooda, haddiise, ay arrimahaasi sii fogaadaan, waxay horseeddi karaan inay ka sii xumaato xaaladda awooddeed ee la rajeynaayey.

Ujeedada ugu muhiimsan waa in la eegaa maalin kasta jihada loo socdaa in ay tahay jihadii la rabay iyo in kale, isla markaana la sii wadaa iyadoo la hubinaayo inay si caddaan ah, oo sax ah loo arki karo,  la iskuna dayaa si taxadir leh in loo hello wararka suurto-galka ah ee xaqiiqaddooduna ay  dhabka yihiin ama  muuqaalkoodu uu dhab yahay.

Sidoo kale, waxa la arki jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo,  waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in la  tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, aad ku kalsoonaato naftaada, kuna sii socoto xikmaddaha muga- weyn leh, waa in si toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa in aanay si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha,  waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya  lagu baahiyo mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka.

Dhinaca kale, fikraddihii ku jiray maskaxaha muddada dheer, waxay isku badeli doonaan kuwo midho-dhala, waxaana si fiican u qabsoomi doonta iskuxidhka qorshayaal ay shaqsiyaad badanina  dabada ka  riixayaan,  waa haddii si wadajir ah qofkastaaba uga shaqeeyo hawlahaas wax-qabad ee lagu hawlan yahay.

Ugu danbeyntiina, waxa aad loo taageeri doonaa si miyir-qab la’aan ah, oo aan tooska ahayn loo horumariyo, kuwaasoo, fikiradaha xagjirka ahina waxay kala qaybin doonaan tamartaasi inay ku hoggaamiyaan carqaladdo, xafladdo dhalanteed ah iyo khiyaamooyin, isla markaana, ay soo dhex-galli doonaan kuwa ay u jeedadoodu aad u sareyso, kuwaasoo aan haysan meello kale oo ay gabood ka dhigtaan, ay ka faa’ideystaan tamartaas. Runtana Allaa Og..

Dhinaca Diimaha : Waxa soo badan doona kiniisado ku faafin doona wacyigalin diimeed  mareegaha iyo  baraha bulshadu ay ku kulmaan ee xuubka caarada,  waxa kale oo sii xoogaysan doonta tayeynta faracyadda faraha badan ee  diimaha, waxa hoos u dhac ku iman doonaa xaqiiqada dhex-dhexaadimeed, taasoo keenaysa in la iswaafajiyo midnimadda tafaraaruqa diimaha, waxaana jiraysa wacyi-galin badan oo hoos u dhigaysa xaaladda taagan inay ku dhamaadaan si hagaagsan, inkastoo, ay arintaasi halisteeda leedahay ooh al-gan lagaga iman doono, sidii loo mideyn lahaa sannadka soo socda.

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah:  waxa lagu tilmaamaa Maan-dooriyaha iyo dawooyinka aan wanaagsanayn ay ku keeni doonaan xanuunka dhimirka, xaqiiqdii dhamaantood waa kuwo laga sameeyey walxo macmal ah oo saameyn ku yeelaynaya  heerka xaaladda  miyir-tiraha nafta,  waxaanu saameyn ku yeelan doonaan isbedelka jiritaanka nolosha,   dadku waxay noqon doonaan laba dhinac oo xag jir ah  oo aad u kala fog, kuwo maskaxdoodu diidan tahay wacyi-galinta oo ka dhacsan nolosha, kuwo jecel xafladdaha, waxaana baadhitaanaddaas lagu ogaan doonaa maskaxaha la qabatimoomay walxaha maandooriyayaasha ah iyo kuwo kale oo ay ku wax-yeelowday maskaxdoodu.

Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa kor u kaci doona wax-qabadka qorshayaasha aad u tiro badan in laga gaadho guullo waaweyn, ka dib, marka ay dhexdhexaad noqoto koboca qiyamka ruuxiga ahi iyo isku xidhka hawlaha dhiiri gelinta dib-u-hagaajinta hiigsiga ujeedooyinka  nolosha ee ku wajahan hawlaha cibaadaysiga iyo firfircooni ruuxiga ah.

Guud ahaan, kuwo aan aqoonsan isku xidhnaanshaha bini’aadanimada, xayawaanka, dhirta iyo meertada nolosha, waxa macquula in loo jiidi doono dhinaca cidhiidhiga iyo maalkooda, illaa iyo inta laga gaadhayo natiijooyin wax ku ool ah oo xalkooda lagu farxo.  Runtana Allaa Og..

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  shanta waji ee kala ah:-

wajiga koowaad:  Hanti-wadaaga, tamarta nukliyeerka, kacdoonka ah, dembiyadda, dagaalka,  carqaladaha,  baadhista dambiyada, isbeddelka, khasabka,  dhimashada  qoto dheer leh, dhacdooyinka ugubka, masiibooyinka dabiiciga ah ee dhulka dhul-gariirka, cilmi nafsiga, caadooyinka sixirka,  naafadda, shakiga,  sirta, gudcur, taranka, miyir-tiraha, dabiibka, bogsashada, galmada, ah,  dib-u dhalashada, dib u warshadaynta, dib u habaynta, dib u cusboonaysiinta,  dib u soo noolaynta iyo hoos u dhaca.

Wajiga labaad :-. Ciidammada, hiliblayaasha, budhcad badeedka, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta, gaadiidka,  farsamo-yaqaanada dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadaalada,  cayaaraha, qalliinka, tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha, qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha,  qalabka lagu jaro timaha………..la soco……………

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Astrologist Q/2-aad

 

 

 

COMMENTS
LINKS