Arsenal Oo Durba U Dhaqaaqday Raadinta Laacibkii Dhibaatadan Ka Saari Lahaa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Durba U Dhaqaaqday Raadinta Laacibkii Dhibaatadan Ka Saari Lahaa!
December 30, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Arsenal ayaad moodaa mid iska daalaa dhacaysa sanadadan danbe iyadoo sidoo kale ay haystato abaar dhinaca ciyaaryahanada, ayaa guuldaradii foosha xumayd ee xalay ka soo gaadhay dhigeeda Liverpool.

Arsenal ayaa suuqa bisha January waxay hal ciyaartoy kula dagaallami doontaa Chelsea iyo Liverpool, waxaanay diyaarsan doontaa lacagtii ay ku heli lahayd laacibkaas oo lagu qiimeeyey £45 milyan oo Gini, una dhashay waddanka Maraykanka.

Laacibkan Christian Pulisic oo ka mid ah ciyaaryahannada da’da yar ee loogu raadinta badan yahay waqtigan, ayey raadinayaan kooxo badan, sida Chelsea iyo Liverpool, hase yeeshee sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Maraykanka laga leeyahay ee ESPN, Arsenal ayaa kusoo biirtay loollanka si uu uga caawiyo inay ka baxdo dhibaatada haysata ee ay ugu dambaysay guul-darradii ay Liverpool u baday.

Dhinaca kale Mulkiilaha Maraykanka ee Stan Kroenke ayaa doonaya in laacibkan ay isku waddanka yihiin uu keeno Emirates, isla markaana bixiyo £45 milyan oo Gini oo ay Borussia Dortmund ku qiimaysay waana fursad aad u wanaagsan hadii ay kooxda Arsenal hesho laacibkan.

Ciyaaryahankan 20 jirkan ah ee khadka dhexe ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga, haddii ay Arsenal heshana waxa uu awood dheerad ah  ku soo kordhin karaa dhexda Gunners oo ay Henrikh Mkhitaryan iyo Alex Iwobi ka qaban kari waayeen shaqadii loo baahnaa, sidoo kalena uu Unai Emery kalsoonidii kala noqday Mesut Ozil.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS