Toolmoonow Macallinkii!!Qalinkii;Cali Aadan Cawaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Toolmoonow Macallinkii!!Qalinkii;Cali Aadan Cawaale.
December 31, 2018 - Written by Editor:

Waa arrin dabiici ah inaynu wada jecellahay inay waxbarasho tayo leh ubadkeennu helaan. Haddana waxaynu ognahay inaanay ardayda imtixaannada waxbarsho kaalmaha sare gashaa dooran inay macallimiin noqdaan! Waxaynu iyana ognahay in aynaan ummad ahaan mihnadda Macallinka ula dhaqmin mudnaan iyo karaamo sare oo aanay dawladda iyo dadka midna ka helin daryeel fiican.

Marka ay saddexdaa arrimood yihiin xaqiiq biyo kama dhibcaan ah, miyeynaan hagran da’yarteenna la rabo inay dhisaan dal hore u maray oo dunida la jaan qaada oo hubkii ay ku dagaal geli lahaayeen (waa aqoontiiye) quudhi waayin inaynu u diyaarinno?

DAARO QURXOON DAD QURXOON BAA KA ROONE waxa lama huraan ah inaynu la nimaad fikir cusub oo lagu tayeeyo aqoonta oo MACALLINKU udub dhexaad u yahay. Si taa loo helo waa in mudnaan weyn la siiyaa daryeelka iyo tayaynta macallinka iyo madalaha aqoonta, loona diyaariyo agab waxbarasho oo dhammays tiran.

Dadkaygu tusmay cugteen

Hir dheer bay tiigsadaan

kobtaa sida loo tagaa

Tacliin wacan way rabtaa

Tayiyo waxay doonaysaa

Dhallaankoo taabba gala,

Haddana tiirkii dhexaad

Toolmoonow macallinkii

Ha joogto wax loo taree

tusaalaha laguma daro!

Maxaa taladii gurrcay?

Xaggee runta looga tegey?

Garaadku haddaanu talin

Haddaan garashadu tallamin

BARAHA taaj lagu xurmayn

Kuwii ina toocsan jiray

Tunkeenna ku xoogsan jiray

Tabcadi way nala heleen…

COMMENTS
LINKS