Arsenal Oo Amaah Ku Bixinaysa Mesut Ozil Iyo Go’anka Uu Ka Qaatay Laacibku!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Oo Amaah Ku Bixinaysa Mesut Ozil Iyo Go’anka Uu Ka Qaatay Laacibku!!
January 1, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Xidiga dalka Jarmalka iyo kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayaan in amaah lagu bixiyo balse warbaahinta ingiriiska ayaa ayaa sheegtay in uu xidigani diiday go’aankaa isagoo meel adag ka istaagay.

Laacibkan ayaa dhib ka haystaa in uu ka hoos ciyaaro macalinkiisa Unai Emery  kadib markii uu noqday xiddig aan ahmiyad badan ka laheyn garoonka Emirates, dhawr kulan ayuu ku seegay go’aanno u gaar ah macalinka reer Spain, taasna waxey dhalisay in warbixino badan ay lala xidhiidhinayo inuu ka baxayo London.

Sidoo kale Ozil ayaa dhaawac dhanka jilibka ah ku seegay kulankii ay kooxdiisa 5-1 khasaaro ah kala kulantay Liverpool oo hogaamineysa horyaalka Premier League, sidoo kalana waxaa jiray kulan ka tirsan horyaalka oo lagu reebay qaab xeeladeysan waana ciyaar ay ka horjeedeen Bournemouth.

Sida ay ku warantay ESPN, Ozil ayaa iska diiday inuu bishaan January ka baxo garoonka Emirates, wuxuuna diyaar u yahay inuu booskiisa difaacdo isla markaana kasbado kalsoonida tababarahiisa Unai Emery.

Dhawaan ayey aheyd markii uu Ozil saxiixay heshiis looga dhigay xiddiga ugu mushaarka badan kooxdiisa, wuxuuna jeebka ku shubtaa 300,000 kun oo Pound isbuucii.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS