Laba Dab Iyo Dagaalo Dhexdood!Qalinkii; Muhumed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Dab Iyo Dagaalo Dhexdood!Qalinkii; Muhumed Dhimbiil.
January 1, 2019 - Written by Editor:

Somalida iyo guud ahaan islaamkaba waxa isku haysta gudihiisa laba qolo oo kala ah , qolyo reer galbeed wato iyo qolyo wadaado ah oo dadka diin ku xujayna iyaga oo kursi doon ah, waxa la isku haystaana waa awood doon iyo dhaqaale doon.

Inbadan oo dadka ka mid ahi way fahmi lahaayihiin waxa socda oo waa ay yaaban yihiin, in dadka ka mid ahi way ku kala biirtay uun iyaga oo aan fahansanayn waxa la isku haysto.

Waxa aan ka mid ahay dadka aan taageersanayn ee ka soo horjeeda in ajaanib iyo reer galbeed dad ay wataan dalkayaga noogu dhex taliyaan oo dadkayaga noo kala calaamadiyaan oo qoloba magac ula baxaan oo la isku kaaya jabiyo.

Waxa kale oo aan ka soo horjeedaa niman dalal kale wataan oo diin iigu soo dhuumanayaa in ay dalkayga maamulaan oo gacma shisheeye nalagula jiro anaga oo waligayo islaam aheyn, oo laga dhigo sidii maanta in ay diintu soo dagtay oo kale.

Xaqiiqda jirta waxa aynu saaranahay daawe iyo laba dab dhexdood oo in badani aanay fahansanayn ama ay dhinac uun isaga biirto oo waxa uu dhinacaasi u sheego uun ay qaataan oo aanay waxba iska hubsan.

Dadka in badani waxa ay aaminsan yihiin in aanay ka maarmi karin in ay cid dhinaca saaraan, ma qabo aragtidaa dalkan iyo dhulkan ilaahay baa inagu abuuray dadka dunidana macaamilka ka dhexeeya ee nabad ku wada noolaanshaha ilaahay aduunka inoogu abuuray iyo wax isdhaafsiga mooyaane wax kale cidii ka yeeshaa iyadaa dabadhilif u ah.

Waxa aanu nahay qaybta sadexaad ee dalkooda iyo diintooda jecel ee ka werweraysa mustaqbalka iyo raadadka waxa socdaa iyo is eryadkani inagaga tagi karaan.

 

QALINKII; MUHUMED DHIMBIIL

COMMENTS
LINKS