DAAWO;-Barnaamijka Waxqabadka Safaarada Somaliland Ee Dalka Sweden Sanadkii 2018 Iyo Arimaha U Qorshayshan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Barnaamijka Waxqabadka Safaarada Somaliland Ee Dalka Sweden Sanadkii 2018 Iyo Arimaha U Qorshayshan!
January 2, 2019 - Written by Editor:

SWEDEN(W,N) Safaarada Jamhuuriyada Somaliland ku leedahay dalka Sweden ee qaarada yurub ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku talaabsatay guulo faro badan oo ay ka gaadhay xaga xidhiidhka iskaashiga ,dadaalka ay ugu jirto sidii qadiyada Somaliland looga dhaadhicin lahaa golayaasha kala duwan ee dawlada Sweden.

Sidoo kale safaarada Somaliland ee dalka Sweden ayaa waxay ku guulaysatay in mudaba dhowr jeer xubno kamida baarlamaanka Sweden ay qadiyada Somaliland soo hor dhigaan golaha.

Safiirka Somaliland ufadhiya dalka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays oo Hormuud ka ah guulaha siyaasadeed ee Somaliland ka gaadhay xidhiidhka dalka Sweden ayaa ka war bixiyay waxyaabihii uqabsoomay safaarada mudadii sanadka ahayd ee ay xukunka haysay xukuumada madaxwayne muuse biixi iyo Arimo kale Muhiim ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BARMAAMIJKA WAXQABADKA SAFAARADA SWEDEN;

COMMENTS
LINKS