Rag lacag badan ka sameeya qashinka aad tuurto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rag lacag badan ka sameeya qashinka aad tuurto
January 2, 2019 - Written by Reporter:

“Maalmaha nasashada waa maalmaha ugu mashquul badan,” ayuu Govind, oo dhex taagan goob uu ku soo uruuriyan qashin badan.

Govind oo 34 sano jir ah oo noo sheegay magaciisa kowaad oo kali ah ayaa waxa uu dhex taagan yahay isaga iyo walaalkii goob qashin iyo haraadiga biraha oo ku taalada magaalada Gurgaon, oo u dhaw magaalada Delhi.

Waxaa dhankiisa bidix yaalla jawaanno ay ka buuxaan joornaalo iyo qashin kale.

Waxaa joornaalada meesha dhooban ka muuqda sawirka rai’sal wasaare Narendra Modi oo ka hadlaya wada shaqaynta dhaqaalaha.

Govind waxa uu sheegay in uusan doonayn in loogu yeeray qof iibiya baraha la tuuray

Waxaa kale oo meesha ka muuqda tira galaasyo ka samaysan macdan ,baco,biro iyo waliba caagadaha soodhada ee shirkadda Coca-Cola iyo tiro baaskiilo ah.

Tani waa shirkadda Shiv Scrap Dealers,oo uu iska leeyahiin Govind iyo walaalkii, Joginder, seasoned.

In ka badan 10 sano, waxa ay uruurinayeen waxa ay dadka kale tuuraan waxa ayna iyagu u leeyihiin qiimo.

“Meelaha qashinka lagu qubo way isbadaleen sanooyiinkii ugu dambeeyay,” ayuu yidhi Joginder oo 48 jir ah oo isagu ahaa qofkii bilaabay uruurinta waxyaabaha la tuuro sida biraha iyo qalabka kale.

“Wax walba hadda waa mid qafiif ah,waxaa imika jira waxyaabo badan oo caagado ka samaysan ,waxaana qalinkii imika lagu badalay naxaas taasi oo ka qaalisan,ayuu yidhi Joginder.

Waxa ay labadan nin ee walaalaha sheegeen in waxyaabahan la tuuro ay u dhigmaan kumannaan doolar

Waxa uu intaa ku daray in bishii qalabka la tuuray ee ay uruuriyaan ka helaan isku celcelis ahaan lacag dhan 30,000 rupee oo ah lacagta Hindiya oo u dhiganta $432 doolar.

Alaabaha ay soo uruuriyaan waxa ay yaalaan geedo hoostood,halka qaarna ay iska yaalaan meel banaan ah.

Maadaama labadani walaalaha ay halkan wakhti badan ku bixiyaan waxa meesho u yaalla burjiko ay shaah ku karsadaan iyo sariir ay wax yar ku indho guduudsadaan amaba habeenada ay meesha baryaan ay ku seexdaan.

Joginder ayaa sheegay in ay sidoo kale ilaaliyaan qalabkan.

Govind ayaa wata gaari uu uu ku soo uruuriyo waxyaabaha biraha la tuuray iyo qalabka kale

Waxa uu sheegay in dhammaan waxyaabaha ay dadka iska tureen ee ay qashin qubka laga soo uruuriyay leeyihiin qiimo dhan kumannan doolar.

Goobtan ay yaallaan biraha iyo qalabka kale ee qashin qubka laga soo uruuriyay ayaa waxa yimaadda dad badan oo soo booqda.

Waxaa yimaada dad u iib keena waxyaabo ay soo uruuriyeen iyo xitaa dadka qaar dariska la ah ay u yimaadaan si ay uga iibsadaan waxyaabaha maacuunta iyo qalabka guriyaha la dhigto oo markii hore qashin ahaan loo tuuray.

“Waa dukaan qof walab ayaa imaan kara dhamaan waa macaamiil,” ayuu yidhi Joginder.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS