“Maa Muuseba (Madaxwaynaha) Loo Sheego Maxaa Gaadhigaygan Ku Daba Dhigay” Sheeko Xiiso Leh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maa Muuseba (Madaxwaynaha) Loo Sheego Maxaa Gaadhigaygan Ku Daba Dhigay” Sheeko Xiiso Leh.
January 2, 2019 - Written by Editor:

Waxay ahayd abaaro 7pm sheekadani waxay dhaxmartay laba nin oo aan is Aqoon is garanayn waxay kala bacaysnaayeen mudo dhawr habeeno ah oo isku xiga mid ayaa kan kale ka bacaysnaa ilaa markii dambe kii kalena ka bacoobay,

Cabdiqadir koofi waa wiil dhalin yaro ah oo aanu sxb nahay meelna ka wada shaqayno wuxuu fadhiisan jiray oo uu ku cawayn jiray habeenada qaar hotel baar hargiesa waxa uu inta badan xidhaa koofiyad, madaama lagu jiro xiligii qabowga ama dhaxanta wuxuu habeenada qaar huwan jiray go shaal ah mana aha shaqsi hadal badan wuxuu kursiga dhigan jiray meel gaar ah kadiba waxa uu la kulmay dhacdadan iga qoslisay ee ah bac qayral macquul ka ah, ka diba markii aan labadoodaba la kulmay ayuu aniga iiga sheekeeyey sxbkay koofi sheekada dhaxmartay nin goobtii ka sii dhawaaqayey markaan u imid.

 

Cadiqadir koofi waxay inta badan ka qabsatay inuu akhriyo taarikada lamberka gawaadhida ninka ka bacoobay ayaa dhawr habeen gaadhiga soo dhigtay bar hargeisa si uu meesha uga qaxweeyo ama ugu caweeyo wuxuuna wadan jiray gaadhi dawladeed GT sxbkay ayaa sidiisii cadada ahayd eegay oo akhriyey numberka gaadhiga taas oo iska ahayd balwad uu leeyahay kadib habeen habeenada ka mida ninkii gadhiga GT-da ah watay oo ah nin masuul ah oo xil ka haya dawlada ayaan ka soo dhaadhicin gadhigii wuxuna bilaabay inuu iska hubiyo dhaqdhaqaqa ninkan wuxu numberka gaadhigiisa u akhriyo. Kadibna intuu soo dagay ayuu ku yidhi “waar heedhe maxaa la iga kaa siiyaa ee aad habeen walba numberka gadhigayga u qortaa ee aad ka eegtaa, facaj iyo ama kaaga wuxu ugu jawaabay “waar maxad ka hadlaysaa, kadibna masuulkii bacaysnaa wuxuu intaa u raaciyey “boqol gaadhi oo GT-ah ayaa habeenkii la wataa oo wadada marayee “miyaa kuwaaba muuse (madaxwaynaha) loo sheego kaygan maxaa ku daba dhigay, waxaaba intaa ka sii darnayd habeenadii dambe masuulkii bacaysnaa wuxuu iska soo dhigay gadhigii dawalada wuxuna soo kaxaystay gaadhi shicib oo noah ah markay intaa marayso sxbkay koofi wuu ka aag badashay baar hargiesa oo wuxuu u wareegay meheradaha kale ee bunka laga cabo ee ka soo horjeeda timacade ilaa habeen kale uu ka daba yimid masuulkii bacaysnaa oo uu ugu yimid koofi halkii uu fadhiyey wuxuuna ku yidhi “asc, cws walal gaadhigaa dawlada yaa watay kkkk wuxu ugu jawaabay “waar anigu ma gawadhida dawlada ayaan ka shaqeeyaa malaha wad walan tahay”, mayee walal wadada ayuu kala xidhay oo meel qaldan ayuu istaagay , intaa iyagoo is waydaarsanaya ayuu gadhigii GT-da ahaa dhaqaaaqay. Kadibna masuulkii bacaysnaa wuxuu sii lahaa iskadaa wakaa ka dhaqaaqaye malaha waa lagu dhax jiraye kkkkk anaa yaabay markuu iiga sheekeeyey dhacdadan ninkaa masuulka ahna aan arkay.

QALINKII; SACAD FOOD CADE.

COMMENTS
LINKS