Kulmiyihii Cagaarnaa Iyo Kulmiyahan Huuraadda Ah!!W/Q; Eng Abdulkadir Mohamoud. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulmiyihii Cagaarnaa Iyo Kulmiyahan Huuraadda Ah!!W/Q; Eng Abdulkadir Mohamoud.
January 2, 2019 - Written by Editor:

HOR-DHAC

Hada Iyo Jeer Bay’ada Ama Deegaanka Iyo Dadka Ku Nooli Waxay Isku Leeyihiin Shaabaha Oo Dadku Dalkiisa Ayuu U Eegyahay .

Guud Ahaan Qaarada Africa  Wax ay Had Iyo Jeer Isla Qabsadeen Dhaq-Dhaqaaq Kasta Inuu Bilawgiisa Ama Xiligiisa Koobaad  Dhadhan Iyo Tayo Badan Yeesho, Somaliduna Waabay Kasii Xag Jirtaa Oo  Dhaq-Dhaqaaq Kasta Bilawgiisa Ayay Dareen Qiiraysan Iyo Dedaalna Aanu Ka Madhnayn  Ku Galaan, Tusaale Ahaan Dawladii Somalia Ee Uu Hogaamiye Mohamed Siyaad Barre Toban-keedii  Sano Ee U Horeeyey Waxay Gaadhay Awood Iyo Guulo  Wax Ku Ool Ah, Heer Ay Xoog Ku Maquuniso Dawladihii Africa Ugu Awooda Waynaa Dhanka Ciidanka  Ugu Dambayntiina Somalia Ayaa Ciidan Amaanka Somalia Suga Loo Dawiriyey Oo Dunidu U Qaadhaantay Ilaa Imikana Qaar Kood Ku Suganyihiin! Sababtuna Waxay Ahayd Xusbigii Kacaanka Ee Tobankii Sano U Ee Horeeyey La Mahadiyey Oo Laga Fur-Furi Waayey Xilka Dabadeed Gadaal Isku Fasaqay !! Arintani Waa Tusaale Uun Macanaha Ugu Wayn Ee Aynu Usoo Qaadnayna Waxa Weeye “Dhaq-Dhaqaaq Kastaa Mar Yaanu Inala Dhaafin”!

Intaas Markaan Hor-Dhaca Kusoo Dhaafo, Oo Aan U Gudbo Muhiim Ka Qormadaydan

Sanadkii 2010 Waxa Talada Dalka Ku Guulaystay Xusbiga Kulmiye Oo Calanka Calaamadiisuna Tahay Midabka Cagaarka Iyo Middabka Hurruudda ilaa Imikana Talada Dalka Hogaaminaya.

Waxa Xusbiga Kulmiye Markii Koobaad Hogaaminayey Madax-Wayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo Talada Dalkana Ku Guulaystay  July 2010 Ilaa  November 2017.

“Waayahay”

Aan Dib Ugu Noqdee Ciwaanka Qormadaydu Waxay U Dhigantahay (KULMIYE CAGAAR IYO Kulmiye Huruud)

Haddiiba Calaamada Xusbiga Kulmiye Ay Ka Koobantahay Middab Cagaaran Iyo Midab Huruuda Ah Bal Ma Isku Daynaa Inaynu Labbadana Midab Wax Ka Dhex Barano?

“Kolay Haa Tidhiye Inna Mari Oo Illa Soco”

Madaamaa Oo Aynu Dad Xoolo Dhaqato Ah Oo Laf Dhabarta Nolosheenu Ku Tiirsantahay Xoolaha Nool Ogow Saaxiib Xooluhuna Waxay Ku Noolyihiin Oo Noloshoodu Ku Dhisantahay Baad Iyo Dhir Sidaa Awgeed Idil Ahaanba Soomalida Middabka Cagaarani Midabada Uguma Jiro Oo Way Ka Jecelyihiin Had Iyo Jeerna Sugaanta Somaliyeed Lagama Waayo Cagaar Iyo Doog Sidaa Si Le’eeg  Dhanka Cilmiga Sayniska Iyo Tiknoolajiguna Middabka Cagaraan Waxa Lagu Suntadaa “Hagaag” Ama Shay Sidii Lala Rabay Ah.

Dhanka Kale Midabka Hurruuda Wuxuu Soo Baxaa Marka Geeduhu Ama Baad Ku  Jeesto Ama Daaqii Dhamaado Ayaa Dhamaan Dhirtuu Isku Bedeshaa Midabkaa Hurruuda Ah Hadii Aan Si Kale U Tilmaamana Waa Yadda Diilo Xumo Oo Had Iyo Jeer Waxa Lagu Suntadaa Khatarta Naf La Baqqa Ah (Warning)

Hadaba Bal Aynu Isku Eegno Sifooyinka Aynu Ka Bixinay Labbada Middab Ee Kala Ah Cagaar Iyo Hurruud iyo Xusibga Kulmiye

KULMIYIHII CAGAARNAA

Si Ay Habsami Socodka Xusbi-Xaakimka Iyo Xukuumadu Isku Dhinac  Gaardiyaan Oo Maamul Waliba  Dhankiisa Isku Maamulo Wuxuu Madax-Wayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo Ku Dhiiraday Inuu Kala Saaro Hogaanka Xusbiga Iyo Xukuumada” Waana Sababta Koobaad Ee Xusbiga Kulmiye Kusii Riiq Dheeraaday.

Qaab Siyaasiga Noocaas Ahni Waa Qaab-Siyaasi Hadii Middab Ahaan Loo Badelo Cagaaran!!

KULMIYAHA HURUUD

Intooda Badan Hogaanka Xusbiga Kulmiye Waa Madaxda Xukuumada Talada Haysa Madaama Oo Ay Weli Isku Jiraan Hogaanka Xusbiga Iyo Xukuumaduna Waxa Gebi Ahaaba Meesha Ka Baxaysa Gooni Socodkii Xusbiga.

Qaab-Siyaasiga Noocaasi Ahni Hadii Middab Ahaan Loo Bedelo Waa Middabka Huruuda Ah, Sifadiisuna Tahay Digniin Naf La Baq Ah. Tubtii Xusbigii Udub Bay Haystaa!!

Akhristoow Adigoo Aad Ugu Mahadsan Wakhtigaaga Qaaliga Ah Waa Inoo Iyo Qormadan Qormada Xigta Insha Allah

Allaa Mahadleh

Eng Abdulkadir Mohamoud Sugal

(Muwaadin Aragtidiisa Anfaacsada)

COMMENTS
LINKS