Kooxda Chelsea Oo Dhaafi Kari Weyday Southampton. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Chelsea Oo Dhaafi Kari Weyday Southampton.
January 3, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Chelsea ayaa xalay garoonkeeda la gashay barbaro kooxda Southampton iyadoo ciyaartii tan ka horeysay ee ay ku ciyaarto garoonkeeda Stamford Bridge  ay kooxda Leicester City ay kaga qaadatay saddex dhibcood.

Chelsea ayaa doonaysay in ay ka sii fogaado kooxda kaalinta shanaad ku jira ee Arsenal oo hore guul wayn uga sii gaadhay Fulham laakiin kooxda Southampton ayaa noqotay mid dhibaato ku noqotay Blues si ay saddexda dhibcood u hesho.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaan noqon sidii uu Sarri qorshaysanayay maadaama oo ay kooxda Southampton la soo baxday iska caabin xoogan isla markaana ay xaalada ku adkaysay Blues iyada oo Saints awooday  in ay Chelsea gool la’aan ku nasisay qaybtii hore ee ciyaarta.

Chelsea qaybtii hore ee ciyaarta waxaa ka dhaawacmay Willian iyada oo daqiiqadii 37 aad uu awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo waxaana ciyaarta la soo galiyay Loftus-Cheek kaas oo buuxiyay booska uu Willian ka dhaawacmay waxayna xaalada dhaawacyada Blues noqonayaan kuwo sii badanaya.

Eden Hazard ayaa helay qaybtii hore fursadii ugu fiicnayd ee uu gool ku dhalin kari lahaa laakiin kooxda Southampton ayaa muujisay adkaysi badan waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah taas oo aan ahayn wixii ay Blues doonaysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa doonaysay in ay la timaado goolka furitaanka si ay xaalada ciyaarta u badali karto laakiin Southampton ayaaba la soo baxday qaab ciyaareed dhiiranaan badan waxayna ciyaartu noqotay mid sii adkaatay.

Markii ay ciyaartu wax isbadal ah yeelan wayday ayuu Sarri kaydka uga yeedhay Cesc Fabregas oo mustaqbalkiisa Blues shaki xoogan la galinayo waxaana ciyaara laga saaray Ross Barkley laakiin wali Souhampton ayaa xaalada ku sii adkaynaysay Blues.

Mararka qaar Southampton ayaaba walwal badan ku abuuraysay jamaahiirta Stamford Bridge maadaama oo ay si dhiiran kubbada ula soo galayeen xerada ganaaxa Blues isla markaana ay goolka furitaanka ee guusha ay u arkayeen noqon karayay.

Chelsea ayaa wax walba u samaysay sidii ay hal gool ku keensan lahayd si ay saddexda dhibcood uga hesho kulankan laakiin kooxda Southampton ayaa doonaysay in ay kulankii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan ay garoonka ka baxdo iyada oo shabaq nadiif ah haysata.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah iyada oo Chelsea iska lumisay fursad wayn oo ay garoonkeeda ugu qaadan kartay saddexda dhibcood waxayna Blues iska qasaarisay fursada ay kaalinta afraad ku sii adkaysan kartay.

Chelsea ayaa hadda saddex dhibcood oo kaliya ka saraysa kooxda kaalinta shanaad ku jirta ee Arsenal waxayna Blues markale u muuqataa mid fursadeeda kulamada Stamford Bridge iska qasaarinaysa.

Diyaariye shiine mataan.

Hargaysa Somaliland

 

COMMENTS
LINKS