Ma Anaa U Maleeyey Mise Xukuumadani Muranka Iyo Buuqay Jeceshahay!W/Q Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Anaa U Maleeyey Mise Xukuumadani Muranka Iyo Buuqay Jeceshahay!W/Q Barkhad-ladiif.
January 3, 2019 - Written by Editor:

Ma Anaa U Maleeyey Mise Xukuumadani Muranka Iyo Buuqay Jeceshahay, bal u fiirso, maalmihii ay cusbaayeen waa kuwii ku mashquulay ciyaalka timahooga ee ciidanka iyo ciyaalku suuqa is eryan jireen, waa tii hadana dhalinyartii ka joojiyeen cawaysyadii hoteelada ay iskaga mashquulsanaayeen ee fiidkii laga caraabiyey, waatan hadana dhallinyartii fanka jeclaa ee qof waliba marka uu daallo iska hoyan jirey inta gudaha loogu galay laga soo dareeriyey fanaaniintii, bal hadii boqolaalka dhalinyarada ah ee meesha joogay ku qamaan askarta miyeyna dhibaato dhacdeen,

waxa hadalkaba soo xidhay laba wasiir oo maalmo kala dambeeyey dalbanayey mucaarad adag in lagu noqdo oo waxay dhaliilayeen mucaaradkii oo ay lahaayeen mucaarad adag oo nagu qayliya ma haysano.

Markaad arrimahaasi eegto, dadka uun baa nolosha adag  ee ay ku jiraan ka mashquulisee, hadii wakhtiyada qaar ku soo beegmi lahaayeen sidii markii ay mucaaradka ahaayeen waxa la isku soo fadhiisan laha gambadh oo shirarka jara’id baa badan lahaa. Waligay ma arag dad ka buuq jecel.

Maanaa waalan mise cadan baa laga heesayaa.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF  MAXAMED CUMAR

COMMENTS
LINKS