Lionel Messi Oo Haysta Fursad Uu Ku Jabiyo Rikoodho Badan Sanadka Cusub Ee 2019! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lionel Messi Oo Haysta Fursad Uu Ku Jabiyo Rikoodho Badan Sanadka Cusub Ee 2019!
January 3, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Lionel Messi haystaa fursado badan oo uu ku dhigto rikoodho gaar ah oo lagaga xasuusan doono dunida xattaa marka uu ciyaaraha ka fadhiisto, sidoo kalena dalka Spain ayuu sii badsan doonaa rikoodhada uga diiwaangashan ee ay suurtogalka tahay in aanay imanin cid ka jabisa.

 laacibka reer Argentina diiradda ku hayaa ama hor yaalla rikoodho lix ah oo haddii uu gaadho uu bogga ugu horreeya kaga qormi doono diiwaanka kaydka dhaxalka ciyaartooyada dunida laga reebo, isla markaana lagu kaydiyo xogta xiddigaha mar la aragga ah ee caalamka soo maray.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa lix rikoodh oo uu sannadkan 2019 jebin karo Lionel Messi, kuwaas oo iskugu jira kuwo Barcelona gudaheeda ah, dalka Spain gudihiisa iyo mid caalamka oo dhan ah

Inuu jabiyo rikoodhkii Ryan Giggs ee laacibka koobabka ugu badan u qaaday hal koox

Haddii Barcelona ay saddexda koob ee LaLiga, Champions League iyo Copa del Rey ku wada guuleysato xili ciyaareedkan, Lionel Messi waxay noqon doonaan tirada koobabka uu haystaa 36 uu isla hal koox oo kaliya u wada qaaday, waxaana uu sidaas kula barbarrayn karaa rikoodh uu Ryan Giggs haystay oo Manchester United uu u dhigay.

Laacibka hore ee United ee Giggs ayaa waxa uu Red Devils kula guuleystay 36 koob, haddii uu Messi sannadkan gaadhana, waxa uu noqon doonaa laacibkii labaad ee tiro intaas le’eg oo koobab ah u qaada hal naadi, laakiin waxa uu haystaa fursad kale oo uu sannadka dambe ku diiwaangashado rikoodh cusub oo uu kaga sii dheeraado Ryan Giggs.

Marka hore Iniesta, marka labaadna Xavi

Leo Messi waxa uu noqon karaa ciyaartoygii labaad ee kulamadii ugu badnaa u ciyaaray Barcelona oo uu hadda u ciyaaray 657 kulan.

Waxa hadda ka horreeya Andres Iniesta oo u saftay Barcelona 674 ciyaarood, waana tiro yar marka loo eego kulamada uu xili ciyaareedkan safan karo Lionel Messi oo horyaalka LaLiga oo kaliya ay uga hadhsan tahay 18 ciyaarood.

Xiddiga ugu dambeeya ee uu hiigsan doono inuu jabiyo rikoodhkiisu waa Xavi Hernandes oo funaanadda Barcelona xidhay 676 ciyaarood, waana mid uu gaadhi karayo isla xili ciyaareedkan.

Inuu Soo Qabto Rikoodhka Guulaha Iker Casillas

Laacibka reer Argentina waxa uu fursad u helayaa sannadkan inuu soo yareeyo ama soo qabto rikoodhka guulaha horyaalka LaLiga ee goolhayihii hore ee Real Madrid ee Iker Casillas oo badiyey 334 ciyaarood, waxaana uga dhiman Leo Messi inuu soo qabto ruug-caddaagaas 11 ciyaarood oo kaliya.

Inuu markii lixaad ku guuleysto kabta dahabka ah

Messi waxa uu ku hamiyayaa inuu markii lixaad ku guuleysto kabta dahabka ah iyo sidoo kale markiisii saddexaad oo xidhiidh ah ee uu kabtan qaato, waana wax aanu ciyaartoy kale hore uga samaynin kubadda cagta iyo rikoodh isaga u xidhnaanaya.

Inuu Gaadho Zarra

Messi waxa uu rajaynayaa inuu ku guuleysto abaal-marinta Pichichi markii lixaad ee waayihiisa ciyaareed, waana abaal-marinta gool-dhalinta ee uu bixiyo wargeyska Marca oo la guddoonsiiyo laacibka ugu goolasha badnaada horyaalka LaLiga.

Haddii uu Messi ku guuleysto xili ciyaareedka dhamaadkiisa, waxa uu soo qaban doonaa halyeygii weynaa ee Telmo Zarra oo lix jeer hantiyey. Hadda waxa uu Messi dhaliyey 397 gool, da’diisuna waa 31 jir, waxaana uu waqtiga uga hadhay cimrigiisa ciyaareed haddii uu Barcelona joogo uu ku dedaali doonaa inuu tiro badan oo kale sii dhashado si uu rikoodhkiisa dhalinta goolasha ee horyaalkan LaLiga oo wixii ka dambeeya tirada 400 oo uu Zarra dhaliyey, kaliya Lionel Messi lagu xasuusan doono.

Hal tallaabo oo uga hadhay saddexleydii 50aad

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi, kaligii ayuu ku naaloonayaa rikoodhka saddexleyda ugu badan, waxaana uu doonayaa in sannadka 2019 uu helo fursado uu saddexleyo kale ku dhashado, laakiin hammigiisa ugu weyn waa inuu buuxiyo tirada 50 saddexley oo hal mar oo uu dhaliyo saddex gool oo wada socda ay uga dhiman tahay.

Diyaariye:- shiine mataan

COMMENTS
LINKS