Manchester City oo u awood sheegatay Liverpool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Manchester City oo u awood sheegatay Liverpool
January 4, 2019 - Written by Reporter:

Kooxda Manchester City, ayaa dhanka dhibcaha kusoo dhawaatay kooxda hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska ee Liverpool, ka dib markii ay 2-1 uga badisay, sidaana ay ku gaadhsiisay guuldarradii ugu horreysay ee Premier League-ga xilli ciyaareedkan.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Etihad ayaa waxaa goolka ku hormartay Man City oo waxaa daqiiqadii 40-aad shabaqa Liverpool ruxay Sergio Aguero.

Balse markii la isu soo laabtay ayaa Liverpool waxa ay bilowday weerar xooggan ilaa daqiiqadii 64-aad uu gool barbaro ah si sahlan ugu dhaliyay Roberto Firmino.

Sane

Leroy Sane ayaa goolka guusha ah City u dhaliyay daqiiqadii 72-aad, waxaana sidaa ay kooxda Manchester ka dhisan afar dhibcood oo keliya uga hooseysaa Liverpool.

Liverpool ayaa heshay fursado ay goolal ku dhalin karta oo xitaa waxaa mar birta ay kasoo celisay Sadio Mane daqiiqadihii hore ee ciyaarta.

Kabtanka Manchester City ayaa khalad uu ku mutaysan karay kaarka cas ka galay Maxamed Salaax, balse waxaa loo taagay jaalle oo keliya, taasoo ka caraysiiyay tababaraha Liverpool.

Khubarada horyaalka Ingiriiska ayaa sheegaya in ciyaartaasi ay muujisay awoodda ay leedahay Manchester City iyo inay difaacan karto horyaalka.

COMMENTS
LINKS