“Afsoomaaligu Gaylan Buu Ku Jiraa: Ma Badbaadi Doonaa?!Qoraa Maxamed Baashe, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Afsoomaaligu Gaylan Buu Ku Jiraa: Ma Badbaadi Doonaa?!Qoraa Maxamed Baashe,
January 5, 2019 - Written by Editor:

“Haddii La Doonayo In Ummad La Dilo, Afkeedaa Lagu Horreeyaa Oo Marka Hore La Dilaa”!

In ka badan lix kun oo af ayaa la tilmaamaa in adduunka lagaga hadlo. Marka la eego daraasad ka soo baxday dhowaan hay’adda UNESCO waxa la qiyaasayaa in marka laba loo qaybiyo ay meel ahaan afafkaasi khatar ugu sugan yihiin in caad fuulo oo ay qarsoomaan amaba ay dabargo’aan, dhintaan inta ka horraysa qarnigan 21-aad inta aanu dhammaan. Afsoomaaliga waxa lagu tirayaa afafkaas halista ugu jira in ay dhintaan.

Dad badan ayaa la yaaba marka laga tibaax bixiyo in afka Soomaaligu khatar ugu jiro inuu dabargo’o! Sidee af u dhintaa ummaddii ku hadlaysey oo nool, ayaa muranka intiisa badani ka oogmaa. Waxa dabargo’a oo dunida laga waayaa qaar ka mid ah dhirta, ugaadha, shimbiraha iwm. Afafka habaasku fuulo ee dayacmaa sidaas oo kale ayay dunida uga suulaan.

Taas waxa lagu hayaa taariikhda iyo waaya aragnimada aadmiga.

Afka dhimashadiisu waxa ay bilaabantaa marka ereyadiisu soo ururaan, soona yaraadaan ee ay ka baxaan adeegsiga maalinlaha ah. Afkaas wax ka dhaca mooyaane, waxba uma soo kordhaan.

Waxa yaraata aqoonta loo leeyahay iyo ka xiddigintiisa. Waxa is-dhima dedaalladii daryeelka iyo korintiisa. Dadkii afkaas ku hadli jirey ayaa si fiican isugu cabbiri kari waaya oo nolosha u adeegsan kari waaya, dabadeedna waxa dhacda in af ama afaf kale adeegsigoodu u fududaadaan oo ay sidaas uga hayaamaan ku hadalka afkoodii hooyo, una gudbin kari waayaan jiilasha iyo faca ka dambeeya.

Afafka u dambeeyey ee dabargo’ay!

Afaf badan ayaa tobanle kasta dabar go’a. Kuwii ugu dambeeyey waxa ka mid ah Eyak afka loo yaqaan oo ay ku hadli jireen qabaa’ilka Indian-ka Cascas ee Alaska. Qofkii ugu dambeeyey ee si wanaagsan ugu hadlaa waxa uu geeriyoodey 2008. Wixii sannadkaas ka dambeeyey na waxa afkaas Eyak loo aqoonsaday af dhintay.

Bo afka loo yaqaan oo ah af soo jirey 70,000 sannadood, qofkii u dambeeyey ee si wacan ugu hadlaa waxa uu geeriyooday 2010. Bo waxa lagaga hadli jirey Jasiiradda Andaman oo ku taalla badweynta Hindiya, kana tirsan dalka Hindiya. 2010 ayaa afka Bo loo aqoonsaday af dabar go’ay.

Kusunda afka loo yaqaan oo lagaga hadlo Nepal, Islaan la yidhaahdo Gyani Maiya Sen oo dhawr iyo toddobaatan jir weyn hadda ah ayaa ah qofka keliya ee si wanaagsan ugu hadli kara.

Afsoomaaliga

“Maxaa gabay tilmaannaa

Maahmaaho toolmoon

Maalmuhu tireenoo

Qalbigaygu tebayaa

Maxaan erey tafiir go’ay

Maxaan maanso teeri ah

Tacab ba’ay ka joogaa!”

-Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) – AHN.

Afsoomaaligu waa af guun ah. Kumaankun sannadood ayuu soo jirey. Muddadaas dheer, waxa dadka ku hadla soo foodsaaray dagaallo iyo colaado badan oo sokeeye iyo shisheeye ba lahaa. Qaarkood way riiq dheeraayeen oo sannado badan ayay socdeen. Waxa kale oo soo maray abaaro iyo cudurro laayaan ah oo kala dambeeyey.

Ma qorrayn afku oo waxa uu ku koobnaa erey-afeed keliya. Dadka ku hadlaa waxa ay ku jireen hayaan iyo guurguur joogto ah. Xoolo dhaqato ayaa la ahaa. Dhaqammo, diimo iyo afaf kale ayaa dibedda kaga imanayey, haddana jiritaankiisu wuu xidhiidhsanaa. Wuu ka soo doogay aafooyinkaas iyo geeddigaas dheer ee hirrigta iyo haydaarada badnaa. Sidee ayuu afku halkan ku soo gaadhay isaga oo aan qorrayn? Maxaa se waalacu maanta daarran yahay afkii oo qoran? Ma se laga hortegi karaa dabar go’a afka ku yimaadda? Su’aalahaas ayaa ku hakasho u baahan.

Xilliyadaas hore waxa uu afku kaalin buuxda ku lahaa nolosha dadka ku hadla iyo wax soo saarkooda. Waxa la isku dhex cabbiri jiray quruxdiisa iyo qaninnimadiisa, taas oo siin jirtey awooddiisa afeed iyo inuu ka badbaado taws iyo tasow ama tuur iyo tarbiicooyin soo foodsaara. Sida aynu qoraallo hore ku soo aragnay qaybaha suugaantiisa ee ay ka mid yihiin gabayga, geeraarka, masafada, guuxa, saarka, guurowga, buraanburka, maahmaahda, hal-ku-dhegga, hal-hayska iyo hal-qabsiga, fal-odhaahyada, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, hees hawleedyada, heesaha carruurta, sheeko xariirta ubadka, googaalaysiga, cadalaysiga, yooyootanka iwm ayaa ahaa kayd u dhigma rugaha kutubta iyo taariikhda (libraries), Idaacadaha, Tv-yada iyo wargeysyada iwm.

Werwerka maanta ee hoos u dhaca Afka Soomaaliga waa mid dareenkiisa leh marka la eego xaaladda qallafsan ee dadka ku hadlaa ku sugan yahay saddexdii tobanle ee u danbeeyey iyo is-beddellada waa weyn ee dunida ka socda saamayntooda, iyo da’ yaraanta xilliga afku qoraal ahaan u ciidaminayey (laga soo bilaabo hirgelintiisii 1972).

Afku waa isir nool oo la xidhiidha ummadda ku hadasha iyo nolosheeda. Horumarka ama dib u dhaca afkuna waa arrin baal socota horumarka ama dib u dhaca ummadda nolosheeda xag dhaqaale, dhaqan, aqooneed, ilbaxnimo iyo maamul iwm. Afku waxa uu ku boqran yahay oo wax ka dhiga kartida iyo aqoonta dadkiisa. Dhinaca kalena waxa afka iyo noloshiisa kala dhantaala awood la’aanta iyo karti darrada dadkiisa.

Xilliyadii qoraalka afku hirgalayey ee 1970-aadkii, waxa ummadda ka dhex socday horumar iyo is-beddello la jaanqaadayey. Afku horumarkaas wuu raacayey oo kama uu hadhi karayn. Waxa afku iska dhex cabbiray nolosha oo dhan, gaar ahaan rugihii cilmiga iyo aqoonta, maamulka iyo maaraynta iwm. Erey-bixin buuxda ayaa wax kasta loo helayey.

Laamaha cilmiga sayniska iyo xisaabta, iyo maamulka, metelan, waxa ku soo kordhayey erey-bixin cilmi ah oo ku cusub, tusaale ahaan:

Kimisteri: curiye, iskudhis kiimikaad, kaaftoon, milan kiimikaad iwm.

Fiisigis: Xawaare, kaynaan, cufnaan, cufisjiidad, daafad, mug, culays iwm.

Bayoolagi: Habdhiska Dheefshiidka, Qashinsaarka, Dhiig Wareegga,

Dareemayaasha, Neefsiga, Hiddo-sideyaal, Ugxan-side, Dareerare, Abla-ablayn, Berri-biyood, Bog-ku-socoto ama xammaarato iwm.

Xisaabta: Isle’egyo wada jira, isirrada ay wadaagaan, dhufsanayaasha, togane iyo tabane, tigraar, saddex xagal, shakaal, asal-tiro-ma-doorshe iwm.

Juqraafiga: Sadaasha hawada, dhul-badhe, cidhifyo, kulaaleyaal, carro iyo nabaad guur, lama degaan, lama degaan-u-eke, lisan iyo rifan iwm.

Maamulka: qorshayn, jaangoyn, maarayn, hab-raac, hab maamuus iwm.

Siyaasadda iyo Mediaha: xoogsato, wada jir, midnimo, dayax gacmeed, cirmaax, badmaax, badmareen, warfidiyeen, asal-raac, barwaaqo sooran, diyaaradaha guuxooda ka dheereeya, gantaalaha riddada dheer ama liishaanka gaaban, gujis ama maraakiibta badda quusta iwm.

Darajada Ciidamada: dable, alifle, xadhigle, xiddigle, gaashaanle, sarreeye guuto, sarreeya gaas iwm.

Haddii aynu ka liishaan iyo cabbir qaadanno xaqiiqadan kor ku xusan oo aynu ilayska ku daarro xaaladda dadka afka Soomaaliga ku hadlaa dhawrkii tobanle ee u dambeeyey ilaa maanta ku sugan yihiin, waxa inoo soo baxaya sawir kale oo aad u foolxun, murugona leh oo waayaha Afsoomaaliga iyo nolosha ummaddiisa dul hoganaya.

Rifidda iyo Maydhaanka Afka

Marka loo kuurgalo ereyo badan oo ka soo baxa afka warfidiyeenka Afsoomaaliga ku hadla ama wax ku qora ee casrigan, ayaa welwelku sii badanayaa. Warfidiyeenku waa gaadiid qaadkii afka. Waxa looga fadhiyaa in uu la yimaaddo aqoon iyo xeeldheeri ku taxmaysa Afsoomaaliga iyo farshaxannimo adeegsiga ereyada iyo weedhihiisa.

Rifidda afka iyo maydhaanka ku dhaca ereyadiisa marka si khaldan loo adeegsado ayaa ka mid ah aafooyinka soo kordhay. Tusaaleyaal dhawr ah ayaynu isha marin doonnaa:

Warka madaxdiisii:

  1. “Doonni badda quustay oo dadkii saarnaa ku le’deen!”
  2. “Diyaarad hawada ku gaddoontay!”
  3. “Weftigii madaxweyanaha oo dalka ku soo guryo noqday!”

4.“Guddoomiyaha gobolka oo bogaadin iyo hambalyo guudka kaga tuuray xildhibaannada golaha degaan ee doorashada ku guulaystay!”

5.“Weftiga madaxweynuhu waxa uu cagta soo mariyey degaanno ka mid ah Gobolka Maroodijeex!”

  1. “Waxa uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey ama ka sanqadhiyey!”

7.“Roob oo wayn ayaa maanta Beledweyne ku biyo-baxay!”

Warkii oo fidsan:

  • Doonnidu ma quusto ee way degtaa ama halligantaa. Quusiddu waa ula kac iyo bilcaanni oo waxa sameeya qof dabbaalanaya ama qujis obocda badda ku maqiiqan.
  • Diyaaraddu hawada kuma qallibanto ee way ku burburtaa.
  • Guryo noqosho waa arrin taban iyo hungo. Xoolaha, gaar ahaan adhiga iyo maqasha, ayaa guriga laga guuro ku soo dalanbaabi noqda marka ay lumaan, qofka xoolo hunnada ahna waa loo adeegsan karaa, hase yeeshee wefti maqnaa oo soo laabtay haddii “guryo noqosho” loo adeegsado waxa ay la macne tahay in ay hungo la soo noqdeen!
  • Nacdal iyo cambaarayn baa guudka la iskaga tuuraa ee bogaadinta iyo hambalyada waa la isu diraa ama hibeeyaa.
  • Col iyo cadaawe ayaa cagta wax soo mariya ee weftigu degaannada booqasho ayuu ku soo maraa ama soo gala bixiyaa.
  • Erey-afeedka ama hadal laga ma dhawaajiyo ama sanqadhiyo. Aalad ama qalab ayaa laga dhawaajiyaa ama laga sanqadhiyaa. Ereyga ama hadalka waa la yidhaahdaa, waa lagu tiraabaa, waa la carrabbaabaa, carrabkaa lagu dhuftaa, waa la sheegaa, waa la tilmaamaa ama waa laga tibaax bixiyaa.
  • Roobku ma biyo baxo ee wuu da’aa!

Qoraal marka ay timaaddana xaalku wuu ka sii daraa oo xagaafka iska qaadsii ayaa dhacda inta badan. Ereyo aan is raaci karin baa la isku xidhiidhiyaa sidan oo kale: “Ugaara, kusocda, lawadasocda, kayimi”! U gaar ah, ku socda, la wada socda, ka yimi ayaa loo baahnaa saw ma aha?!

Afsoomaaligu Wuu Soo Ururayaa!

Afsoomaaliga wax ka luma mooyaane wax ba kuma soo kordhaan. Waxa uu ku soo ururayaa inta caanaha iyo biyaha lagu cabbo. Dadka isku tilmaama in ay wax barteen, gaar ahaan afafka qalaad wax ka bawsada, ayaa afka ku galgasha oo rifitaan badan kula kaca. Waxa ay ku dhex mulaaqaan hadalladooda ereyo qalaad, taas oo ka qayb qaadata in afku soo ururo oo sidii ”diinka”madaxa ceshado.

 

Sidan hoos ku xusan oo kale ayuu mulaaqu u dhacaa. Ergiska iyo amaah-ereyeedku afafku wuu bannaan yahay, waa se marka laga quusto erey- bixin. Iyada oo ereyadii Afsoomaaliga ahaa la hayo oo ay buuxaan, ayaa addoon af qalaad loo noqdaa:

“Markii aannu apply-garaynay fund-kii project-tigu u baahnaa, waxa attractive noqday aims-kii iyo objectives-kiisii oo ahaa qaar implementation-koodu easy yahay. Therefore waxa uu noqday program successful ah.

“Afqalaad aqoontu miyaa

Maya maya ma ahee

Waa intuu qofba Eebbe geshaa”!

“Cali Sugulle (Duncarbeed)”

Sidii aynu soo taabannay, waxa is-beddello ku dhaceen noloshii ummadda, wax soo saarkeedii, dhaqaalaheedii iyo xidhiidhadeedii bulsheedba. Taasi waxa ay keentay in ereyo badan ka baxaan adeegsigii maalmeed oo lumaan.

Maydhaan, gablool , arbeebi, suudal, inbiig, harawaati, abasax, qallax, alab, saqle, faatfaati, daacuf, yahaabur, shidaad, gosol, gaadeeri iyo boqollaal kale oo erey oo Afsoomaali ah ayaa lumay ama sii tasoobaya oo aynaan maanta u adeegsan haba yarooto’e nolol maalmeedkeenna, meel kale oo loogu hagaago na aan ku kaydsanayn marka laga reebo dheegag suugaaneed iyaga laftoodu sii lumaya.

Sababaha dib u dhaca afka Soomaaliga keenaya waxa lagu tirin karaa kuwan oo badiba ka dhashay xaaladda halista ah dadkiisu ku sugan yihiin:

– Maqnaanta machad iyo hay’ado afka cilmi baadha, daryeela oo horumariyo

– Shanta gobol ee Soomaalidu geeska kaga dhaqan tahay maamullada ka jira oo aanu Afsoomaaliga ka helin daryeelkii loo baahnaa marka laga reebo Jabuuti oo dhaqdhaqaaq koobani ka jirey muddooyinkii dambe

– Aqoonyahannadii iyo farsamoyaqaankii qawmiyadda Soomaalida oo dhuuyaalnimo iyo xeryo qaxooti ku caansiiray oo qanjo barar iyo caas maskaxeed ku haleelay iyo inta geyigii tamar yari ku dabartay oo kala qaybsanaanta iyo is diiddooyinka colaadaha sokeeye ku dhex asqowdey

– Saamaynta adduunka ee maanta oo kun jeer ka weyn tii aabbayaal iyo awoowayaasheen marka la eego dhinaca saamaynta af, dhaqanka iyo fikirkaba

– Dadka afka ku hadla oo u arka in aanu qiimo badan noloshooda u lahayn xagga dhaqaalaha, shaqada iwm, taas oo keenaysa in aan ubadka la barin oo lagula eerto afaf qalaad, iyana u nuglaadaan qabsashada dhaqan iyo af qalaad, kana suudalaan afkoodii hooyo iyo kala dhalintiisii fikir iyo hal-abuuritaanba

– Dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha oo afka doorkii mudnaa ee loo baahnaa aan siinnin

– Malcaamdaha diinta lagu barto oo aanu afka Soomaaligu manhajkaba ugu jirin iyo culimada qaar oo afka Soomaaliga aad uga gaabisa, kuna fogaata carabaynta afka soomaaliga

– Is beddelka meheraddii xoolo dhaqashada ee Soomaalida inteeda badan iyo afkii oo aanay ula soo guurin magaalooyinka ay ku soo qulquleen nus qarnigii u dambeeyey oo ay miyigii kaga yimaaddeen oo anay isla casriyeyn iwm

Maxaa Dhaca Haddii Afku Dhinto?!

Afku ma aha ereyo keliya ee waa isirro nool nool oo sida xubnaha jidhka oo kale u xidhiidhsan oo u baahan neefsi, socod, dhaqdhaqaaq iyo hawlgal joogta ah oo maalin walba ah adeegsi ahaan. Haddii uu afku noloshaas waayo wuu bukoodaa, ka dibna haddii aan dabiib lagula eeran wuu dhintaa. Haddii uu af dhintona, waxa la tilmaamaa, in afkaasi uu la god galo dhaxalkii dhaqan-hiddeed ee ummaddaas iyo dhigaalladeedii nololeed, taariikh ahaan, suugaan ahaan, han iyo ahaanshe ahaan iwm.

Ereygii dhintaaba wuxuu luxudka iyo iilka la jiifsadaa nolol iyo aqoonteed.

Xadhko adag baa ka dhexeeya afka iyo ahaansha qofeed (Identity). Xeeldheerayaasha afafku waxa ay isku raacsan yihiin haddii afku lumo waxa la luma ahaanshaha, taas oo horseedda burbur bulsheed, gooddi furan haleela xidhiidhkii xubnaha bulshada ka dhexeeyey, qasaaweselel iyo qulub nafsaani ah oo horseeda in maandooriyayaasha iyo belwadaha ibtilowga ah lagu mamo, loona nuglaado oo loo bato waalli iyo kala dhaqaaq, is waa’ nafsadeed iwm. Waxa kala qaarma oo is fahmi waaya waalidka iyo ubadka, waalidkuna waxa uu ku guuldarraystaa inuu ilmihiisa ku habo afkii hooyo, una gudbiyo oo qiyamtii hidduhu sidaas ku lumaan, ilmihiina is-waa’ ku dhaco oo uu candadawlmo.

Waxa la yidhaahdaa “haddii la doonayo in ummad la dilo, afkeedaa lagu horreeyaa oo marka hore la dilaa”!

Afsoomaaligu Ma Badbaadi Karaa?

Afka Hebrew waxa uu ahaa af iilka qarkiisa jiifsaday bilowgii qarnigii 19-aad. Waxa uu ahaa af ku hadhay Synogog-yada (Kiniisadda Yuhuudda) iyo Kitaabkooda. Afkaasi waxa uu ka baxay xilligaas adeegsigii maalinlaha ahaa. Suurta gal ma ahayn ayaa laga tibaax bixiyey in afkaasi ereyo u helo “waan ku jeclahay” ama “milixdaas ii soo gudbi iwm.”!

Waddanka Isreal kolkii la abuuray ee Yuhuud kala duwan oo kala af iyo dhaqammo geddisani ku bahoobeen badhtamihii qarnigii hore, ayaa afkaasi mar kale hawada neefsaday oo soo noolaaday, maantana “rabitaan xooggan” ka dib waa af awood leh oo si walba u ciidaminaya.

Afka Cornish-ka oo u muuqday af sii dhimanaya, ayaa indheergaradka iyo aqoonyahankiisu dib boodhka uga tumeen, waxaana Ingiriisku u aqoonsaday sannadkii 2002 inuu Cornish-ku ka mid yahay afafka ay ku hadlaan dadka laga tirada badan yahay ee Ingiriiska ku dhaqan.

 

Unesco na waxa ay afkaas ku dartay afafka soo noolaaday sannadkii 2010. Afka Welsh oo UK lagaga hadlo iyo Afka Moari oo New Zealand ka mid ah afafka ka jira, ayaa labaduba luxudka ka soo kaceen oo ifka yimaaddeen dedaal dheer ka dib.

Tusmooyinkani waxa ay ifafaaleyaal togan u noqon karaan Afsoomaaligu inuu gayllanka uu jiritaankiisa ugu jiro ku guulaysan karo. Wax se lama huraan ah in la qaado tallaabooyin muhiim ah oo aan la’aantood libtooyo la hawaysan karin, waxana ka mid ah in la abuuro:

  • machad afka lagu cilmibaadho oo ka dhexeeya Shanta Soomaalidu degto
  • waxbarashada hoose ilaa jaamacadaha iyo maamulka xafiisyada Shanta Soomaaliyeed oo Afsoomaaliga laga siiyo doorkiisa mudnaanta koowaad leh
  • tayaynta qoraalka afka iyo fidinta awoodda ereygiisa dhigan
  • dadka afka ku hadla oo lagu boorriyo qiimaha afkooda iyo hiddesidennimadiisa madhaafaannimo
  • Warfidiyeennada, suugaanyannada, abwaannada, fannaaniinta, aqoonyannada iyo cilmi baadhayaasha oo iskaashi ka yeesha daryeelka afka, iyada oo si togan looga faa’iidaysanayo ilaha warfaafineed iyo technology-da casriga ah iwm.

F.G: Waxa aan halkan uga mahadnaqayaa Siciid Jaamac Xuseen iyo Cabdishakuur Saleebaan Siciid oo ii hibeeyey intii aan diyaarinta qormadan ku jirey xog muhiim ah oo mawduucan la xidhiidha.

Baylahda afkana bulshadaa u dhaawacan!

QALINKII; QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN.

COMMENTS
LINKS