WAJAALE NEWS

Sannadka Cusub Maxaa Kuu Sahay Ah!Qallinkii; Cabdiqani Xaaji Cali

Isbadalka maalmaha iyo biluhu waxay si dadban inoogu sheegayaan inaan ku sii socono xaga gabawga iyo hawlgabka, inta aad fursadaha haysato haddaad ka faa,idayn waydid waxaad ka qoomamoon doontaa xilli aanay qoomamo waxba qabanayn.

Waxaad garaadsatay adiga oo lagu leeyahay waa sannadkii cusbaa, mase iswaydiisay sannadkii hore maxaa iga baylahay maxaanse sannadka soo galay kaga faa,iidaystaa? ama aan naftayda,shaqadayda, qoyskaga, qabiilkayga, qarankayga ku biirin karaa?

Waxaan ku siin doonnaa tallaabooyin aan is leeyahay waxay kuu noqon kartaa hagitaan iyo ka faa,idaysi sannadkan soo galay

Samayso kala mudnaan iyo kala horraysiin arrimahaaga, is waydii naftaada: waa maxay shaqada aan maalin walba qabto ta aanan ka tagi Karin ee udub-dhexaadka ii ah? Dareenkaygu waa noocee markaan ka guul gaadho hawsha aan rabay? Sideen u kobciyaa xidhiidhka naga dhexeeya saaxiibaday? Sideen u kordhiyaa heerka iimaankayga iyo cibaadadayda? Waa maxay hawlaha marka aan qabanayo aan ku raaxaysto?

BALWADAHA AAD LEEDAHAY HADDAANAY FAA,IIDO KUU KEENAYN ISKAGA TAG!

Balwaddu maaha kaliya daroogada iyo maandooriyaha, waxaase jira balwado kale oo wakhtigaaga dilaya, naftaadaana aan nafci u tarayn, balwadahaasi waxaa ka mid ah daawashada ciyaaraha iyo ka sheekayntooda, fadhi ku dirirka iyo faa,iido la,aantooda, markaa haddii balwadaha caafimaad ahaan iyo diin ahaanba aan wanaagsanayn aad isticmaashid is waydii naftaada waxa aad ka faa,idayso iskuna day inaad go,aankii raganimo qaadatid oo aad faraha ka qaadid, haddaad qof wayn oo masuul ah tahay kuuma qurux badna wakhtigaaga qaaliga ah inaad fadhi gole iyo fiirsasho ciyaareed aan ku khasaarisid.

BARO XIRFAD HANA ISKU HALLAYN SHAHAADOOYINKA AAD HESHAY,

Aqoonto ma is taagto ardaygaase is dhigta ayaan ka qoray maqaal ka dib markaan sagootinay arday darajadii koobaad ee heerka jaamacadeed qaatay,sababtuna waa in qofku aanu ku joogsan wixii uu soo bartay shaqana ku raadsan xaashiyado ay wax ku qoran yihiin, aqoontaadu yaanu noqon mid gudha oo goblon ah Waxa jira dhalinyaro farabadan oo sannado farabadan ku foognaada waxbarasho jaamacadeed, iyagoo wakhtigooda qaaliga ahaa iyo adduunkoodii qiimaha badnaaa ku bixiyay sidii ay shahaado u heli lahaayeen uguna biiri lahaayeen aqoonyahanka, markuuse gacanta ku dhigo shahaadada ayuu ilaabaa ama is ilawsiiyaa dhaqankii wax akhriska, baadhitaanka iyo u kuur galida cilmiga iyo buugaagta, waxaadba mooddaa inaanu waligii waxba soo dhigan, shaqo iyo mashquul adduunyo ayaa uu dhexda u galaa ilaa uu gaadho heer uu ka dhex baxo aqoontii oo uu is arko isaga oo aan 10 sanno aan hal buugna akhrin.

Ma is waydiisay in aqoontaadu ay arradantahay iyo in kale? Goormaa kuugu danbaysa buug aad akhridid?

waxayse tahay inuu xirfad lahaado taasi oo ka kaafinaysa warqaddii (shahaadadii) uu is garab siday, xirfadaha barashadoodu waa muddo gaaban waanay faa,iido badan yihiin, caqligaagu yaanu gaaxan ee ha godlado, ogowna inaan godlanayn ilaa aad wax akhrisatid

NAFTAADA CAAFIMAADKEEDA HA ILOOBIN

Ka warhaynta jidhkaaga cayilkiisa iyo caatanimadiisu waa cibaado haddaad cindigu ku hayso in niyadda la isku abaal mariyo, haddaad dhalinyar tahay oo aanad dhanna u dhaqaaqayn saw baruur ku fuuli mayso kadibna kuma xigto gabaw degdeg ah, maalintii inaad lugayso muddo soddon daqiiqo ah waxay dhiigaaga siinaysaa inuu wareego murqahaaguna kala baxaan si caafimaad lehna aad u seexatid

WAX AKHRI

Dadka qaar baa waxay yidhaahdaan aniga balwadaydu waa akhriska, akhrisku balwad maaha waase waajib saaran qof kasta oo muslim ah, Diktoor Raaqib Al-Sarjaani ayaa qoray buug la yidhaahdo “Akhrisku waa manhajka Nolosha” isagoo ku soo bandhigay dhinacyada uu qofku akhrinaya kana soo bilaabaya kitaabka Quraanka ah ilaa aad gaadhayso inaad akhridid taariikhda gaalada iyo wadamada dunida u taliyay, Diktoorku waxa uu diidayaa erayga ah balwad buu ii yahay balse wuxuu xoojinayaa inaad cibaado ka dhigato wax-akhrinta, waa kugu ceeb inaad aqoon yahan isku tiriso oo aad waxba akhriyi waydid, sida neefta aan ugu baahanahay ayaan cilmigana ugu baahi qabnaa, baahidaasina waxa ina siinaysa oo kaliya waa akhrinta, ummadda muslimka ah wixii ugu horreeyay ee la amray waxay ahayd akhrin.

Intaasi ayaan kula wadaagayaa walaalkay/walaashay si aad naftaada u anfacdo, oo uu kaaga duwanaado sannadkii hore, qofkuna inuu kobco oo ay wax u kordhaan weeyaan, haddii kale hagaasnimo iyo harraati buu sugi doonaa.

 

QALINKII; Cabdiqani Xaaji Cali.

Exit mobile version