Arsenal Ayaa Chelsea Kaga Adkaatay Saxeexa Ciyaaryahan Ay Isku Hayeen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arsenal Ayaa Chelsea Kaga Adkaatay Saxeexa Ciyaaryahan Ay Isku Hayeen!
January 5, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Arsenal ayaa u muuqata mid guul dhinaca suuqa kala iibsiga ah ka gaadhay kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Chelsea maadaama oo ay aad ugu dhaw yihiin saxeexa xiddig ay labada dhinac isku hirdiyayeen mudooyinkii ugu dambeeyay.

Gunners ayaa doonaya bedelka iyo inay si deg deg ah uga soo kabtaan bixitaanka Aaron Ramsey oo aad ugu dhaw inuu iskaga hayaamo kooxda iyadoo kooxda ree Talyaani ee Juventus ay hoggaanka u hayso kooxaha saxeexiisa doonaya.

Shaqsigaas bedelka u noqonaya Ramsey ayaa lagu sifeeyay xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ee Denis Suarez kaas oo haatan hoos uga dhacay rabitaanka kooxda ree Spain iyo dookha tababare Luis Erique.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in Unai Emery hore loogu sheegay in aysan jirin lacago badan oo lagu bixiyo suuqa January haddana Sky Italia ayaa sheegaya in kooxda ree London ay boos fiican u joogto saxeexa Denis oo ay sidoo kale doonayeen Roma iyo Milan.

Chelsea ayaa sababta ugu weyn ee ay u doonaysay saxeexa 24 jirkan ay ahayd inay ku buuxiyaan booska uu banayn doono Cesc Fabregas oo heshiis hordhac ah la gaadhay Monaco isla markaana la filayo inuu kooxda ka tago maalmaha soo socda.

Sababaha ugu waaweyn ee Suarez uu ku xushay Arsenal ayay kamid tahay in ay aqoon isku leeyihiin macalinka kooxdaas ee Emery oo ay mar kusoo wada shaqeeyeen kooxda Sevilla.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS