Khatarta Caafimaad Ee Ka Iman Karta Biyaha Ay Soo Saaran Warshaduhu!W/Q; Dr Buux Ibraahin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khatarta Caafimaad Ee Ka Iman Karta Biyaha Ay Soo Saaran Warshaduhu!W/Q; Dr Buux Ibraahin.
January 6, 2019 - Written by Editor:

Fariin Caafimaad.

Biyahu waa noolasha aadamaha  waa in aynu ilaalinaa biyaha aymu isticmaalayno had iyo goor    Khatarta caafimaad daro ee ka iman karta biyaha ay soo saaran  warshadaha biyaha  dalka oo intooda badan ay kusoo galaan suuqyada ganacsiga dalka  iyagoo aan lahayn taariikh isticmaal  oo lagula socdo tayada istismaal waxa  ka iman kara kalyo istaag  keena caafimaad daro.

Fayadhorka biyaha

Biyaha ay soo saran warshadaha dalka oo intooda badan aanay lahayn taariiklh ismicmaal oolagula socdo  fayadhowrkooda  waqtiga loogu talo galay  inla  isticmaalo taasi waa mid  aan hore loogu arag  warshadaha  iyo  waxsoosaarkooda  fayadhowr inkastoonan  doonayn in aan magacaabo warshadaha iyo dhaliishooda  waxase  sharci ah in wasaarada caafimaadka  hayada dhawrista  tayada iyo  laamaha fayadhawrku ay si toos  ah ula socdaan  warshadaha biyaha iyo waxsoosaarkooda

Warshadaha biyaha waxsoosaarkoodu waxa uu qayb laxaad leh ka qaata  fayadhowrka  nadaafada biyaha  markaa waa in la dhiiri galiyaa waxsoosaarkooda sida warshada biyaha ee zamzam food industry  oo soo saarta biyo si xooga looga shaqeeyey fayadhowrkooda  oo u wanaagsan caafimaadka bulshada

warshadaha  waa biyo  nadiifa oo

Daawaysan aadamaha waxa had iyo goor ku keena caafimaad daro  sida kalyaha oo istaaga ama xanuun ku yimaado waxay la xidhiidhi kartaa hadba sida uu yahay nadaafada biyo isticmaalkiisa cabista

Biyaha waa in xoog loo cabaa gaar ahaan waqtiga subaxdii  1 litir oo biyo  nadiifa  waxa in badan ay saamayn waxtar u leeyahiin caafimaadka qaybaha jidhka

Biyahu waa furaha noolasha  bina aadamiga  biyaha marna kama maarmi karo  waxa nabigeeni inoo sheegay in shay kastoo nool ka samaysan yahay biyo

Xidhiidhka wayn ee aadamahu la leeyahay biyaha  ayaan manta qormadeena kaga hadlaynaa

Waxa  aadamuhu dhamaan isku raaceen in  caafimaadka biyaha qodobka ugu horeeya uu yahay in biyaha la cabaya ay nadiif noqdaan 97% sababta oo ah sida lagu helo ayaa adag

Biyo intaas ka tayo fiican  qodobka labaad ee soo raaca waa in ay dheeli tiraadan macdanaha biyaha ku jira ee ay ka kooban yahiin  oo runtii aad u qaaliya una fiican caafimaadka iyo difaaca qaybaha jidhka aadamaha

Ogow waxa ugu qaalisan biyaha roobka iyo heerka nadaafada ee ay soo maraan sida diintenu sheegtay

Intaanay biyaahasi dhulka taaban  sii toos ah marka uga yimaadan cirka  waxay waxtar badan oo ay   ka daawo yihiin caafimad qabka aadamiga

Waxa  loo baahan yahay in aynu had iyo goor ka shaqayno  nadaafada biyaheena iyo weelasha wadooyinka ay soo maraan oo  aynu ka shaqayno waxa wax tar badan ka yahiin fayaqabka bulshadeena

Sida kormeer iyo u kurgal ay ku sameeyen dad isku hawla arimaha biyaha waxay ka diyaariyeen  halka manta ay marayso nadaafada biyaha  biyaha laga cabo dhijaamaha baliyada  qulqulka fog  ceelasha ee ay ka yimaadan biyaha roobku marka aad u sii fiirsato aad fahmi karto  fiditaanka magaaloyinka  iyo qashinka ku baahay miyi iyo magaalo  uu calaamad u yahay  sida dhibta yare e daadku u qaadi karo ee uu qaadhsin karo meel fog

Dadka reermiyaga marka aad ka waraysato arimaha biyaha waxay ku sheegayaan  marka ay dhoobo qaadayan  baliyadooda  ay ku arkaan qashin iyo wasakh soo raaca oo aanay garanayn madaama ay ku nool yahiin miyi fog  halka qashinkan magaaladu uga yimid

Biyaha hadaan si gaara loo ilaalin waxyaabaha fadarayn kara ee sida weelka kaydinta iyo jirikamada aynu ku shumano biyaha  oo aan si fiican loo ilaalin nadaafadeena waa waxyaaba uu shubanku u layey ubadkeena maalin kasta

Sidoo kale waa in taangiyada biyaha aynu ku kaydsano iyo weelka biyaha aynu darsano si fiican loo ilaaliya had iyo goor nadaafadooda  sida furarka jirikaamada oo si fiican loo maydho

Biyaha waa in si fiican loo kariyaa ama lagu rido daawada biyaha safeeye oo si fiican u dili kara jeermiska biyaha soo raaca

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux02010@gmail.com

COMMENTS
LINKS