“Siyaasadu Waa Xidigis, Xiliga Laga Fooliyee, Duqayda Oromada La Xaal, Sidii Badhasaab U xiin”.Abwaan laabsaalax, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Siyaasadu Waa Xidigis, Xiliga Laga Fooliyee, Duqayda Oromada La Xaal, Sidii Badhasaab U xiin”.Abwaan laabsaalax,
January 6, 2019 - Written by Editor:

HALKAN KA AKHRI; Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Tiriyay Gabay Kooban Oo Uu Kaga Hadlayo Xaalada Siyaasadeed Ee Somaliland.

HARGAYSA(W,N) Abwaan Xasan dhuxul laabsaalax oo kamida hal abuurka dadka afka somaliga ku hadla kuwa ugu caansan islamarkaana ahaa aas aasihii kooxda shaacbaxday ee xidigaha geeska ayaa maanso kooban oo uu soo saaray kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo sida loogu baahan yahay hogaamiye wadamada dunida xidhiidh la sameeyay Somaliland u jiheeya wado cusub oo ay caalamka kula jaan qaado.

 

Sidoo kale Abwaan Laabsaalax ayaa duurxul sugaaneed kula hadlay madaxwayne biixi isagoo tusaale usoo qaatay madaxdhaqameedkii oromada ee Somaliland yimiday iyo kulankii madaxwayne biixi xuduuda wajaale uu kula yeeshay madaxdwaynaha ismaamulka somalida itoobiya.

Gabaygan kooban ee Abwaan laabsaalax tiriyay ayaa wuxuu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada Ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

Siyaasadu Waa Xidigis

Xiliga Laga Fooliyoo

Dabaylaha kaa Xannibay

Dhacdada Laga Soo Xigtee

Hadaanad u Xeel Baxayn.

Geeskaa Hada kaa Xidhxidhan

Sideed Ula Xaalad Noqon.

~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Ninkaa Lagu Soo Dul xidhay

Haduu Kugu Sii Dul Xidhay

Horaad Ugu Sii Xidhnayd

Xeradan Kugu Oodantee

Kuwaan la Lahaa Xadkaan

Xidhiidhka U Goynayaa

Tv_yada kaga sii Xadree

Xidhiidh La Samee japan

Carabta Sii wada Xumee

Dunida Ruushkaa Xukuma

Xodxodo Adigaa Danlee

Xaqbaa Iga Maqan Ku Dood

Chain_aha Xiisaha U qaba

Africa Badideed u Xilo

Iiraantani Waa Xigtee

Adoo Xiimaya U Duul

Hadii Kale Waa Xujee

Duqayda Oromada la xaal

Sidii Badhasaab u xiin.

Hadeer kililkaa Xalee!

Xabaal Mustawaha saroo

Taariikh hor leh noo Xariiq!

ABWAAN XASAN DHUXUL “”Laabsaalax””

 

COMMENTS
LINKS