“SNM: May Jirin Qadiyad Isaaq Uu Gaar U Lahaa Oo Loo Halgamayay”!Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“SNM: May Jirin Qadiyad Isaaq Uu Gaar U Lahaa Oo Loo Halgamayay”!Cali Guray.
January 6, 2019 - Written by Editor:

“SNM Marka Aad Qadiyad Ahaan U Eegto Waxay Noqonaysay Dantii Siyaasadeed Ee Dagaalka Qorigu u Ahaa Adeegga ee loo Adeedsanayay Laasoo Noqoshada Gooni-Isu-taagga Somaliland”Cali Yuusuf.

“SNM waa muruqii laba suul ee la yidhi NINBA SI KU AH. Dhinac kasta iska ood iska taagto si bay noqonaysaa. SNM mar waxay ahayd Jabhad marna Dagaal Dadwayne marna waxay ahayd qadiyad oo ah ta loo dagaalamayay waana ta ugu muhiimsan. Hadaba SNM marka aad qadiyad ahaan u eegto waxay noqonaysay dantii siyaasadeed ee dagaalka qorigu u ahaa adeegga ee loo adeegsanayay taasoo noqonaysay gooni-isu-taagga Somaliland ama sida uu Dastuurka Somaliland dhigayo ”La Soo Noqoshada Madaxbanaanidii u sugantay Somaliland 26 June 1960kii”. Markaa ma Isaaq bay ahayd baa la odhan karaa?.

Dhinaca kale waa run oo waxay ahayd Dagaal Dadwayne ee waa maxay Dagaal Dadwayne?

Dagaal Dadwayne waxa loo yaqaan ama lagu fasiraa dagaalka in yar (small segment) oo dadka ka mid ahi ay si buuxda wakhtigooda oo dhan u geliyaan hawlaha dagaalka balse qayb tiro badan(vast majority) oo dadwaynaha ahina ay si toosa iyo si dadbanba uga qayb qaataan hawlaha dagaalka. Hadaba SNM inta yari waa jabhaddii (mujaahidiintii) ama intii Itoobiya dagaalka u tagtay ee iyagu wakhtigooda oo dhan siiyay dagaalka qofba halkuu doono ha kaga jiro eh. Intaasina may wada ahayn Isaaq haba jirto inay inta badaniba ahaayeene ee reeraha cid ka ma nayd may jirin oo waxa ku jiray Daarood, Hawiye, Dirka koonfureed iyo Gadabuursi iyo Ciise iyo dad kaleba. Markaa waa been hadii cidi ay ku andacooto waxay ahayd Isaaq oo keliya ama Isaaq oo dhamiba waxay ahaayeen Jabhaddi(SNM). Laakiin waxa run ah in qaybta ugu tirada badnayd ee si toos ah iyo si dadbanba hawlaha dagaalka ugu qayb qadanaysay la odhan karo waxay ahaayeen Isaaq.

Waxa la yidhaa inta yari (Jabhadda)waxay u yaqaanaan tirada badan ee dadwaynaha halganka taageerayaal laakiin marka laga soo eego dhinaca qadiyadda guud ee loo halgamayo inta yar ayaa iyagu u ah taageerayaal dadwaynaha halganka ee iska leh qadiyadda loo dagaalamayo oo marka aynu SNM ka hadlayno noqonaya dadwaynaha Somaliland oo dhan.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS